Puntland: Wasiir hore oo ka hadlay nidaamka 4.5

Image

GAROWE_ Siyaasi Farax Cali Shire islamarkaana wasiir Maaliyadda Puntland soo noqday xukuumaddii Farole, ayaa ka hadlay doorashada dalka Somalia, qaadashada nidaamka wax ku qaybsiga beelaha iyo mowqifka Puntland ka istaagtay arrinkaasi.

Shire oo warbaahinta kula hadlay magalada Garowe Caasumadda Puntland, ayaa soo dhaweeyay go'aanka madaxweyne Gaas ee maxsuulka shirka madaxda Somalida Muqishu, wuxuuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Puntland ku  adkaystaan mabda'a ka dhanka ah ku noqoshada habka beelaha.

Farax Cali, ayaa sidoo kale madaxda Somalida ku dhaliilay inay ku fashilmeen hogaaminta dalka, ka rumaynta waxyaabihii lagu hishiiyay ee ku aadana doorashada la filayo inay dhacdo sannadka, wuxuuna habka haatan la sheegay in la qaatay ku tilmaamay mid burbur iyo dhibaato aan dhammanayn u horseedaya shacabka Somaliyeed.

Wuxuu xusay go'aanka la qaatey inuu mugdi galin karo midnimada umudda Somaliyeed iyo hankii laga qabay in dalku noqdo dimuqraadi ka turjumada rabitaanka iyo masiirka umadda Somaliyeed.

Mar wax laga weydiiyay shakiga ay qabaan dadka odorasa siyaasadda Puntland iyo dadweynaha qaybtood in madaxweyne Gaas soo qaatay mowqifka 4.5, waxa uu sheegay inaysan raacayn malaha la muujiyay, balse ay qaadanayaan ficilkii ka yimaada hogaanka Puntland.

Shire, ayaa soo jeediyay hadii cabashada dowladda iyo shacabka Puntland latixgalin waayo inay isugu yimaadaan shirweyne ay uga tashanayaan qorshaha lagudboon dadka reer Puntland iyo masiir ay ka qaadan lahaayeen xaaladda murugsan ee Somalia.

Hadalka wasiirkii hore maaliyadda Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli shacabku aad u hadal hayaan arrinta ku aadan qaabka loo maaraynayo doorashada dalka ka dhici doonta 2016, waxaana jira cabsi siyaasiyiinta qaybtood ka qabaan in Puntland qaadato nidaamka ay isku waafaqeen madaxda kale ee Somalida iyo beeshaca caalamka, balse lama saadaalin karo halka arrinku dambayn doono.

DHAGYSO: 

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM