​Puntland: Wasiir taageeray dhiibista Qalbi Dhagax

Image

GAROWE, Puntland- Wasiir dowlaha Xiriirka gobollada u qaabilsan Madaxtooyada Puntland, ayaa waraysi uu bixiyay kaga hadlay sida u arko dhiibista Qalbi dhagax oo uu ku eedeeyay inuu falal amni darro ka waday deegaanada Soomali Galbeed islamarkaana uu markhaati ka ahaa hub iyo qaraxyo uu u diray deegaanadaas isagoo ku sugan magaalada Galkacyo dhinaca ay maamusho Galmudug.

Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan oo la hadlayay Idaacadda Daljir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku saxantahay in Ethiopia u gacan galiso Sarkaalkaas, maadama sida uu hadalka u dhigay ku jirto amniga gobolka iyo maslaxadda shacabka.

“Dowladda Soomaaliyeed ee Madaxweyne Farmaajo hogaaminayo iyo Ra’isal Wasaaruhu, tallaabadii ugu horaysay ee ugu wanaagsanayd gobolka iyo Xasiloonida gobolka, aad iyo aad bay halkaas si fiican u cabireen. Sidii Madaxweynaha Socdaaladiisii Sucuudiga, Ethiopia, Qaahira, Kenya, Imaaraadka iyo meel kasta haybadii iyo sharaftii lagusoo dhaweynayay waxay ahayd dowladda gobolka xasiloonidiisa ka qayb qaatada oo la aamini karo,  ayaduna dadaal fiican samaynaysa ayay ahayd, tallaabadii ugu wanaagsanahayd ayayna ninkaas ka samaysay,” Ayuu yiri Wasiir Gurxan.

Wuxuu intaas ku daray isagoo go’aankiisa sii xoojinaya in tallaabadan ay ka hortagayso in Ethiopia taageero siiso kooxda Al Shabaab ama ay wiiqdo awoodeeda ciidan ee ay ku taageertay xasilinta Soomaaliya.

“Maxa dhacay Ethiopia iyadaa Ciidankeedii oo 15 kun kabadan Soomaaliya Daraf walba ka joogaa, oo na caawimaysaa. Hadii marka ninkaas nabad galyada Kilinka kasoo horjeeda oo dhibka weyn u gaystay iska haysano, hadee iyaduna Shabaab ayay nagu caawimi kartaa iyo qaar kaloo ka badan ama xuduudaheeda ayay waxbadan kala daadin kartaa, “ Waxaa sidaas Sheegay wasiir Gurxan oo intaas ku daray in Masiirka umadda Soomaaliyeed loo bur-burin shakhsi dhibaatoole ah.

Isagoo ka hadlayay sida uu arko eeda la xariirta in Qalbi Dhagax katirsanyahay kooxda Al Shabaab, wuxuu si cad u qeexay inuu markhaati ka yahay oo la tusay baabuur qaraxyo iyo saanad kale oo ciidan ka buuxdo uu Sarkaalkaas u diray Kilinka Shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

 “Aniga oo mas’uuliyadaysa iyo mid dowladeedba anaa markhaati ka ahaa socdaal aan ku tagay gobolka Doollo anay i tuseen oo arkay, Galkacyo isagoo jooga dhinaca Galmudug arrin Baabuur uu soo raray oo waxa Qarxa ku jiraan oo rasaas saarantahay oo ilaa Xarardheere ka keenay anaa Shaahid ka ahaa oo la i tusay, maxaa meele kale loogu wareegayaaba inuu xiriir la leeyahay,” Ayuu yiri Wasiir Gurxan.

Mar uu ka hadlayay ururka ONLF oo waxa uu ka aaminsanyahay wasiirka ayaa tilmaamay inaysan u taagnayn xoraynta shacab Soomaaliyeed balse carqalad ku yihiin amnigooda iyo hormarka ay ku tillaabsadeen oo uu sheegay inuu yahay mid aan lasoo koobi karin kasoo ay ku jirto guulo laga sameeyay kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo waxbarashada.

“Waabuu Jabhad ahaa hadda cid uu horaynayo majirto, anigu Jabhad uma aqoonsani, dadka uu xoraynayana maanta waa ka nolol wanaagsanyihiin dadka Soomaaliya jooga waxa lagu daydo ilaa 25,000 oo Arday ah ayaa Qalinjabisa sannad kasta, beerihii baa la falanayaa, jidadkii ayaa la bixinayaa, hormar ayay ku tillaabsadeen ONLF yay xoraynaysaa oo ka wakiil tahay, ” Sidaas waxaa hadalkiisa kusii daray wasiir dowlaha Xiriirka gobollada u qaabilsan Madaxtooyada.

Waa markii ugu horaysay oo mas’uul katirsan xukuumadda Puntland ka hadlo kiiska Qalbi Dhagax oo muddo noqday hadal haynta ugu badan gudaha iyo dibadda ee shacabka Soomaaliyeed ay aad u falanqaynayeen kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ninkaas loo dhiibay dalka Ethiopia.

 Kiiskan ayaa lagu kala argti duwanyahay marka laga hadlayo hay’adaha dowladda iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed, waxaana jira shakhsiyaad badan oo kasoo horjeeda in sarkaalkan loo dhiibo dal kale maadama uu yahay muwaadin Soomaaliyeed.

Lama oga in hadalka Wasiir Gurxan  ay ku taageeri doonto xukuumadda Madaxweyne Gaas iyo inay uga hadli doonto qaab ka badalan sida uu u waramay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM