Qarax khasaare dhaliyey oo lagu weeraray ilaalada dekedda Bosaso

Image

April 29, 2015 (GO)- Qarax ayaa goor dhow ka dhacay afaafka hore ee dekedda magaalada Bosaso, gaar ahaan halka loo yaqaan Dabaqa Sahalka.

Qaraxa ayaa ka dhashay bam gacmeed lagu tuuray bar-kantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan ilaalada dekedda.
Inta la ogyahay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintey weerarkaas labo qof oo kalena way ku dhaawacmeen.

Qofka dhintey ayaa ah nin jidka marayey xilligii uu qaraxu dhacay, sidoo kale labada qof ee dhaawacmey  ayaa ka tirsanaa haweenka qaadka ku gada agagaarka dekedda.

Ciidamada ammaanka ayaa hawlgal baaritaan ah ka sameeyey xaafadaha ku dhow dekedda inkastoo ilaa iyo hadda aan cidna falkaas loo soo qaban.

Mas'uuliyadda qaraxa weli cidna ma sheegan, haseyeeshee dhowr weerar oo caynkan ah oo horay magaalada Bosaso uga dhacay ayaa waxaa mas'uuliyaddooda sheegtay ururka Al-shabaab.

Qaraxyada ayaa bilihii u dambeeyey kusoo badanayey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM