Qodobo la isku waafiqi waayey wadahadalka Puntland iyo DFS

Image

Isniin 13 Oct,2014 [GO]- Wararka laga helayo wadaxaajoodka u dhexeeya dowlada Puntland iyo Federaalka ayaa sheegaya iney jiraan qodobo ay isku waafaqi waayeen labada guddi ee wadahadalka u fadhiya xarunta Wasaarada Caafimaadka ee ku taal magaalo madaxda Puntland Garowe.

Xogtaan oo aan ka helnay xubno ka tirsan dhinacyada wadahadalka ka dhexeeya ayaa sheegeysa in qoraalka hordhaca ahaa ee loo gudbin lahaa Madaxweynaha Puntland iyo Ra'isal wasaaraha Somalia ku jiraan qodobo labada guddi isku-afgaran waayeen balse xalkooda iyo talada laga rabo madaxada sare.

Xubnahaan oo codsaday in aan magacooda la xusin ayaa sheegaya qodobada muranka dhaliyey inay kamid ahaayeen aqoonsiga shahaadada dugsiga sare ardeyda ka baxda dugsiyada sare ee Puntland, guddiga wadaxajoodka u matalaya dowladda Federaalka ayaa soo jeediyey in shahaadada dugsiga sare yeelato caalamad dowlada Federaalka Somalia 'amblem".

Guddiga dowlada Federaalka ugu jira wadahadalka ayaa sidoo kale qaba in magaca Puntland meel kamid ah lagaga xuso shahaadada dugsiga sare  tixraac gaar ah oo yeelaneyso Puntland iyo in ardeyda Puntland aan lagu khasbin shahaadada inay u doontaan magaalada Muqdisho.

Qodabkaan Waxbarashada khuseeya ayaa sida aan xogta ku helnay  Puntland diidan tahay iyada oo guddiga wadhadalka uga qayb galayaa aaminsan yihiin in nidaamka waxbarashada dowladaha kamid ah dowlada Fderaalka gabi ahaanba sida Dastuurka ku qoran madax banaan yahay.

Dhinaca kale qodobada muranka dhaliyey ayaa waxaa kamid ah maamul u sameynta gobolada dhexe ee Somalia xubnaha ka socda Federaalka ayaa kusoo koobey in hadii uusan saameyn ku yeelaneyn Puntland la dhaqan galiyo dhismahooda.

Dowlada Puntland xubnaha matalaya ayaa qodobka [ maamul u sameynta gobolada dhexe] sida u qoran yahay aan ku qanacsaneyn balse raba in tafaasiil dheeraad ah laga bixiyo.

Labadaan Guddi ayaa wararku sheegayaan in ay sugayaan Madaxweynaha Puntland iyo Ra'isal wasaarha oo maanta booqasho ku tagey Qardho iney soo dhex galaan.

Xubin ka tirsan guddiga Federaalka oo diidey magiciisa in la xuso ayaa warsidaha Garowe Online u sheegey in heshiis la gaari doono balse caqabadda hortaagan tahay sida uu ku hirgali lahaa.

Dowlada Puntland iyo Federaalka ayaa horey heshiisyo u galey kuwaasoo aan gabi ahaanba hirgalin.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM