Qofkii gaystey qaraxii ka dhacey Garowe oo Somali noqdey

Image

GAROWE 22 April,2015 (GO)- Iyadoo maalmihii u dambeeyey laysla dhex marayey in qofkii fuliyey qaraxii is-miidaaminta ahaa ee magaalada Garowe lagula beegsadey gaari bus ah oo ay saarnaayeen shaqaalaha hay'adda UNICEF  uu u dhashay dalalka dariska la ah Somalia ayaa waxaa soo baxey warar kuwaas ka duwan.

Sarkaal ka tirsan booliska oo diidey in magaciisa la baahiyo ayaa Garowe Online u sheegey in ninka qaraxa fuliyey la helay madaxiisa islamarkaana baaritaan kaddib la ogaadey inuu yahay Soomaali.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale Garowe Online u sheegay in ninka is qarixiyey muddo kooban ku sugnaa magaalada Garowe deegaan ahaanna aanu kasoo jeedin Puntland.

Hay'adaha ammaanka Puntland ayaan weli soo bandhigin warbixin ku saabsan sida qaraxaasi u dhacay, dadkii ka dambeeyey iyo talaabooyinka ay ilaa iyo hadda qaadeen.

Ciidamada amniga ayaa dhinaca kale howlgallo ay sameeyeen kusoo qabtey dad fara badan kuwasoo la sheegey iney baaritaano ku socdaan.

Golaha Wasiirrada Puntland oo kulan aan caadi aheyn shalay isugu yimid ayaa sheegey in dadweynaha iyo hay'adaha caalamiga ah ee ku sugan degaanada Puntland u xaqiijinayaan in amnigu sugan yahay. Halka kahriso warsaxafeedka

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM