Qoyska Caasha oo rajo ka muujiyey in la fuliyo xukunka maxkamadda

Image

GAROWE, Puntland – Maxkamada Darajada Koowaad ee gobolka Nugaal, xarunteeda magaalada Garowe ayaa xukun dil ah waxay ku riday saddex kamida tobbanka ah rag ee lagu soo eedeeyay kiiska Caasha Ilyaasi.

Xukumaneyaasha ayaa haysta muddo bil ah si ay racfaan uga qaataan go’aankaasi, oo ay maxkamaddu shaacisay in ay fulin doonto dowladda Puntland ee uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Xeer-beegtada ayaa sidoo kale waxay sii deysay todoba kamida tobbanka ruux ee gal-dacwadeedkaan loo haystay, kuwaasi oo lagu waayey wax dambi ah.

Dhibane Caasha, oo bishii Febraayo kufsi iyo dil loogu geystay magaaladda Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa haatan u muuqata helaysa cadaalad, sida ay sheegeen dadka u dooda arrimaha haweenka.

Dhanka kale, Ilyaasi Aadan, aabaha dhalay Caasha, oo dhiganeysay dugsiga dhexe, ayaa aad u soo dhaweeyey xukunka maxkamadda, isaga oo uga mahad-celiyay xukuumada sida ay uga qayb qaadatay in cadaalad la marsiiyo.

Mr Ilyaasi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in xukunka ay maxkamaddu riday lagu fuliyo ragga falka foosha xun kula kacay gabadhaasi 12-sano jirka ahayd.

"Aniga ma toogan doono, dowladda ayaa toogan doonta, sida ay maxkamadu sheegtay," ayuu ku jawaabay markii la su'aallay hadii uu ka qayb qaadan doono marka toogashadu lagu qaadayo dambiilayaasha.

Caasha ayaa ka waysanaa saacado kahor inta aan meydkeeda laga helin meel ku dhow gurigooda xili qaybo kamida jirkeeda uu ka muuqday jirdil iyo kufsi wadareed aad u daran oo lagula kacay.

"Maya, markii hore ayaanba sheegnay in aan dooneyno in shareecada Islaamka la marsiiyo kiiska, dowladdana way nagala shaqeynaysay," ayuu Iltaasi ku jawaabay markii la waydiiyey hadii ay dhici karto in qaab hoose loo laalo xukunka.

Ugu dambeyntii, Aaba Ilyaasi ayaa waxa uu beeniyay in reerkiisu oo haatan ku nool degaano ka tirsan dhulka Soomaali Galbeed uu uga guuray magaaladda Gaalkacyo cadaalo darro uu tirsanayo iyo hanjabaad.

"Waxaan qoyska ugu kacay halkaasi [Soomaalida Itoobiya] maadaama uu halkaasi roob ka da'ay, marka dib ayaan ugu soo laaban doonaa Galkacyo dhowaan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Aaba Ilyaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM