RW Khayre “Qof kastoo katirsan DFS waxaan leeyahay kaalay imow Puntland”

Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Ra’isal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa khudbad uu xalay ka jeediyay 20 sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska Puntland, wuxuu ku ammaanay guulaha uu gaaray maamulka iyo qaabkii loogu soo dhaweeyay goobihii uu tagay.

“Aniga oo ku hadlaya magaca madaxweynaha, magaceyga, magaca xukuummadda, dhamaan magaca dawladda federaalka iyo magaca ummadda Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa halkaan fadhiya, Soomaaliyeed waxa aan idin leeyahay hambalyo 20-sano guurada kasoo wareegtay aasaaska Puntland,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Wuxuu sheegay in Puntland ay u abuurtay rajo wanaagsan islamarkaana uu ogaaday inuu jiro dhul Soomaaliyeed oo wali laga jecelyahay soo celinta qaranimadii waddanka iyo sumacadii uu lahaan jiray.

“Puntland waxa aan kula kulmay maskax caafimaad qabta, maskax wayn oo hiigsi leh, bisayl dawladnimo oo ku dayasho mudan, dad Soomaaliyeed oo fahmay in dalka la wada leeyahay gartayna in la wada dhisto, reja cusub oo ah jaceylka ay dawladnimada u qabaan shacanka reer Puntland,” Sidaas waxaa yiri RW Soomaaliya.

Khayre ayaa fariin u diray madaxda ku jirta dowladda Federaalka oo uu ka codsaday in hadii ay doonayaan ogaanshaha macaanka dowladnimo ay yimaadaan Puntland.

“Waxaan leeyahay qof kastoo kamid ah dowladda Federaalka Soomaaliya kaalay imow Puntland si aad u dareento jacayl dowladnimo,” sidaas waxaa yiri Khayre oo hadalkiisa ku daray ,” Anigu mudadii aan joogay waxaan arkay hay’ado dowladeed oo dhismay 20kii sano ee la soo dhaafay, waxaan arkay 20kii sano ee la soo dhaafay in Madaxweyne kastoo soo maray uu ku dhammaystay si nabad ah, waxaan rabaa inaad fahamtaan 20kii sano ee ay jirtay Puntland in Madaxweyne kastoo soo mara oo aad u idmateen inuu idin hogaamiyo inaad siiseen fursad uu ku dhammaysto waqtigiisa, taasna waa bishayl aan isleeyahay Soomaalida inteeda kale ma gaarin.”

RW ayaa ammaanay dedaaladii xukuumadii hore ku suulisay burcad badeedii ka jiray deegaanada Puntland taasoo ay waqti badan galisay dowladdii uu hogaaminayay Cabdiraxmaan Farole sidii kooxahaas looga ciribtiri lahaa Xeebaha maamulkan.

“Waxaana la ilaawi karin iyadoo Soomaaliya lagu tilmaamo inay tahay dhulkii burcad badeeda inaad idinku muujiseen dedaal dheeraad ah, maantana burcad badeeda aad ka suuliseen dhulka Puntland oo dhan,” Sidaas waxaa yir Xasan Cali Khayre.

Khayre ayaa sidoo kale bogaadiyay sidii shacabka Puntland uga hortageen duullaankii ay soo qaadeen kooxo katirsan Shabaab, isagoo xusay in dadka halkan ku nool iyo dowladoodaba ay diideen in la baqdin galiyo dhulkoodana laga qabsado.

“Sababta aan u aaminsanahay in Soomaaliya Rajo leedahay waxaa weeye, markaan Arkay dadkii Soomaaliyeed ee taagnaa Garoonka diyaaradaha Garoowe, markaan Arkay aniga iyo Madaxweyne Gaas oo dhagaysanayna golaha xukuumadda DFS iyo Puntland oo ka doodaya sidii loo hormarin lahaa dalka, sababta aan u aaminsanahay in Soomaaliya Rajo leedahay waxaa weeye markaan Arkay dadkii Soomaaliyeed ee waqtiga badan taagnaa Qardho, sababta aan u aaminsanahay in Soomaaliya Rajo leedahay waxaa weyeen markaan markaan kasoo laabtay Qardho habeen ku dhawaad 4 saac- 5saac dadkii Soomaaliyeed ee taagnaa Tuulada yarta ah ee la yiraahdo Shire Dhogor Libaax ama taagnaa Xaaji Khayre ama habeen shan saac taagnaa Dongoroyo oo sacabinayay habeen saq dhexe si ay u arkaan RW Soomaaliyeed iyo dowladda aysan waligood arag,” ayuu yiri Khayre.

Ugu dambayn RW Soomaaliya ayaa sheegay inay cashar ka qaadan doonaan dhammaan waxyaabihii ay Puntland ku arkeen mudadii ay jirtay, wuxuuna ballan qaaday inuu qayb ka qaadan doono la dagaallanka Al Shabaab iyo hormarinta Puntland.

Khayre ayaa soo gabagabeeyay safar qaatay 8 cisho oo ku joogay magaalada Garowe, wuxuuna maanta dib ugu laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho isaga iyo golahiisa xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM