Safiiro tegaya Garowe xili Puntland ay soo jiidatay indhaha caalamka

Image

GAROWE, Puntland – Qaar kamid ah danjireyaasha Soomaaliya u fadhiya wadamada caalamka ayaa socdaal ku tegaya maalmaha soo aadan magaalada Garowe, caasimadda dowladda Puntland.

Safiirada la filayo in ay tegaan xarun goboleedka Nugaal ayaa ka kala socda dalalka; Sacuudiga, Masar, Hindiya iyo kuwa kale, sidda ay xaqiijisay Madaxtoyadda dowladda Puntland.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo danjiraha Sacuudiga ayaa waxay kawada hadli doono sidii xoolaha Puntland sanadkaan loogu dhoofi lahaa wadankaasi maadaama ay hakad ku jiraan.

Arrimaha keenay in uu hakad galo waxaa qayb ka ah caafimaad darro la sheegay in ay qabaan xoolaha Soomaaliya xili xukuumada Deni ay shaacisay in ay ku dadaaleysi sidii wax uga qaban lahayd.

Mas'uuliyiin caafimaad oo ka socda Riyadh ayaa kusoo wajahan Garowe si ay uhubiyaan tayada caafimaadka xoolaha Puntland, maadaama suuqa ugu wayn uu imaan doono Ciidul Fidriga soo aadan.

Sacuudiga iyo Puntland ayaa sidoo kale iska kaashan doona dhinacyadda amaanka, la dagaalanka argagixisada iyo sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa Dhalinyaradda wax ku barata gudaha dalka.

Dhanka kale, Deni ayaa kala xaajoon doona safiirka Masar dhinacyadda waxbarashada iyo sidii ardayda reer Puntland deeqo waxbarasho loogu diri lahaa wadankaasi dhaca qaaradda Afrika.

Intaasi waxaa wehlisa in mashaariicyo dhinaca horumarinta ah oo ay ka fulin doonto Masar degaanada Puntland.

Diblumaasiga ugu sareeya safaarada Hindiya ee Soomaaliya ayaa Garowe u imaan doona sidii ay Puntland iyo dalkaasi isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka burcad badeeda, amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhamaan safiirada imaan doona Garowe maalmaha soo socda ayuu madaxwayne Deni kula soo kulmay xarunta Kenya ee Nairobi, xilligaasi oo u fidiyey casuumaad ku aadan in ay Garowe yimaadaan taasi oo ay ka aqbaleen.

Isaga oo warbaahinta la hadlayey Habeenimadii Sabtida ee todobaadkaan, madaxwayne Deni ayaa shaaciyay in Beesha Caalamka gaar ahaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ay dareen gaar ah siinayaa Puntland.

"Inta uu jiro [xiisahaasi] waxaanu dooneynaa in aan ka faa'ideysano oo wixii dan inoo ah aan ka qaadano," ayuu Deni daba dhigay hadalkiisa.

Mr Deni ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland aysan marnaba ku dhaqaaqayn arrimo hagal-daacinaya qaranimada iyo dowldnimada Soomaaliyeed.

Intii uu ku guda jiray shirka jaraa'id, Deni ayaa dhaliilay siyaasada xukuumada Farmaajo oo uu ku eedeeyay in ay baalmartay hanaanka awood qaybsiga ee Soomaaliya. [Halkaan ka akhriso fahfaahinta]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM