Senator Mahad Nuur: DF Soomaaliya laba khal-khal baa ka taagan

Image

GAROWE, Puntland – Senator Mahad Sheekh Nuur oo kamid ah wafdi ka socda Aqalka Sare oo maanta tegay Garowe ayaa ka hadlay xaalada amni iyo tan siyaasadeed ee ka jirta guud ahaan dalka.

Xubnahaan ayaa u tegay magaala madaxda gobolka Nugaal wadatashiyo ay ka yeeshan arrimaha taagan sida dib u eegista dastuurka, federaalka, amaanka iyo doorashooyinka maamul goboleedyadda.

"Sababta aan wadatashid isugu nimid waxay tahay; dowlada Soomaaliya waxaa ka taagan laba khal-khal [mid] siyaasi ah iyo mid amni," ayuu yiri, isagoo ku daray "amniga iyo dhaqaaluhuna way wada socdaan."

Madaxwayne Farmaajo ayaa todobaadkaan ka sheegay shir lagu qabtay Muqdisho in dowladnimada Soomaaliya iyo xukuumadiisuba ay soo food-saartay dhaqaalo xumo baahsan, taasi oo curyaamisay howlaha qaranka.

"Hadii uusan dhaqaalo jirin, amni ma jirayo … lacag baa sameysay dagaal," ayuu xusay isaga soo soo xigatay Seynisyahanka caanka ah ee Nibellion Banarbete. "Dowladii waxay tiri lacag ma haysano, dagaalna Xamar uu ka socdaa."

- Siyaasadda –

Villa Soomaaliya ayaa wajaheysa mawjado mucaarad ah oo uga imaanaya siyaasiyiin ay kamid yihiin Xildhibaano, kuwaasi oo dhowaan shir ay ku yeesheen xarunta Kenya soo jeediyay in la bedelo xukuumada hadda jirta.

Senator Mahad oo kamida Guddiga joogtada Aqalka Sare kaasi oo ka digay cawaaqib xumo ka dhalata arrinkaan ayaa xusay in ay intaasi wehliso kacdoon ka imaanaya shacabka "oo kalsoonida kala noqdo dowladda."

"Amniga waxaa ka daran tii siyaasiga .. kacdoon siyaasi ah baa jira ... inta ay dhaxdooda yaalo waa baab goleyaal bay leeyihiin .. laakiin shacabkii Muqdisho deganaa ay lugtii la gashay kacdoonka .. dowladii Siyaas Barre ma ridin Jabhadadii .. markii shacabkii kalsoonida kala noqday aby dowlada dhacday .. tii baa maanta taagan .. ALLE waxaan ka baryeeyaan Xamar mar bay naga burburteen in aysan mar dambe burburin .. Soomaaliya waa Xamar hadey burburto inagana waanu burbureynaa .. wadatashigaan waxaan u nimid in aysan dhicin taladii uu Siyaasad Barre diiday ee burburka keentay," ayuu raaciyay.

- Federaalka –

Xukuumada Farmaajo ayaa si wayn loogu dhaliilaa in ay kasoo horjeedo nidaamka federaalka ah, isla markaana ay kula jirto dagaal ba'an taasi oo Senator-adda ay codkooda ku xoojiyaan walaac ay ka qabaan.

"Ganacsatadii [Xamar] iyo shaqaalihii askarta ilaalisa waa dhagax .. dhibaato ayaa taagan .. reer Puntland culeys baa saaran maanta .. meel degan bay joogaan .. iyagaa federaalka qadiimi u ah .. waxaa looga fadhiyaa xal waafi ah oo sidii dalkaan ku meel gaarka uga bixi lahaa," ayuu si cad daaha uga rogay.

Wadatashiyada ay yeelanayaan Senator-adda ayaa arrimaha ay ka yeelanayaan waxaa qayb ka ah muran dhowaan soo kala dhex-galay wasaaardaha waxbarashada ee Puntland iyo tan heer federaal.

Senator-adda ayaa kahor socdaalkooda Garowe waxa ay la kulmeen wasiirka waxbarashada federaalka, kaasi oo ay kala xaajoodeen muranka dhanka Imtixaanaadka ee labada wasaaradood.

"Wasiirka waxbarashada waanu kala sheekeysanay, wadatashiga ayayna qayb ka tahay," ayuu ku jawaab celiyey markii arrimahaan wax laga waydiiyay, isaga oo raaciyay "Nidaamkii federaalka waa la daba gediyay, sida uu yahay looguma dhaqmo, hadii uusan jirin federaal cid isu imaaneyso ma jirto, waxa hadda Soomaali isku haayo waa federaalka .. hadii federaalkii gebi ka lunsho .. amnigii gebi la lunsho .. khatar baa lagu jiraayee Soomaaliya iyo dadka Xamar joogo haloo duceeyo," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Senator Mahad.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM