Shacabka oo ka hadlay xaalada Saaxdheer xili madaxda PL ka aamuseen

Image

Garowe,Puntland August.28 [GAROWEONLINE]- Barnaamijka ra'yiga dadwaynaha ee Radio Garowe ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa lagu soo qaatay xiisada kacsan ee ka taagan tuulada Saaxdheer oo ay saaka la wareegeen ciidamo ka socda mamulka Somaliland.

Qabsashada Saaxdheer ee Somaliland ayaa imaanaysa xili shacabka Puntland ay si aad ah u hadal hayaan sababta madax Puntland uga aamusan yihiin doorashadii madaxwaynaha Khaatumo ee Dr.Cali Khaliif Galayr iyadoona maanta lagu waday in halkaasi lagu caleemo saaro.

Dadka ka qayb galay ra'yiga dadwayaha ayaa qaarkood ku dhaliilay madaxda Puntland inay dayaceen Sool taasina ay suurta gal ka dhigtay inay ciidanka Somaliland la wareegaan Taleex iyo tuuladda Saaxdheer oo horay gacanta ugu jirtay Puntland.

Waxay dadku sidoo kale dhaliileen siyaasada madaxda ugu saraysa ee Puntland xili wufuud ka socota dowladda Federaalka oo ka qayb gali lahayd caleemo saarka Prof.Galayr iyo ku xigeenkiisa kasoo dageen garoonka diyaaradaha Buuhoodle oo Puntland gacanta ku hayso. 

Marka laga tago arrimahan oo aan barnaamijka kusoo qaadanay,shirka gollaha wasiiradda Puntland oo maanta qabsoomay wax hadal laguma soo qaadin xaalada Saaxdheer oo lagu soo waramayo in dagaalkii saaka ka dhacay uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Barnaamijkan waxaa tabinaya Cali Cabdi Ducaale

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM