Afar qof oo ku dhintay Baabuur isku dhacday Garowe

Image
Image

GAROWE, Puntland- Shil khasaaro xooggan sababay ayaa saaka ka dhacay magaalada Garowe caasumadda Puntland gaar ahaan dhanka Bari, kadib markii ay isku dhaceen labo baabuur oo midkood ahaa Booyad waday Biyo Xareed ah.

Isku dhaca labadaas gaari ayaa sababay dhimashada 4 qof oo dhammaantood rag ahaa, halka dhawaacu uu gaarayo 6 qof.

Dadka dhintay ayaa la xaqiijiyay inay saarnaayeen gaari yar oo nooca Dhaynaha Somalidu u taqaano kaasoo la sheegay inuu ka baxay magaalada Garowe.

“Labada Gaari waxay ahaayeen kuwo is-baasaya, laakiin marki hore waxaa isku dhacay labo Booyadood oo midkood yahay kan ku dul fadhiya Dhaynaha, markii ay isku soo dhaceen labada Booyadood wuxuu gaarigan dusha ka maray dhaynaha oo u socday dhinaca Kantaroolka Bari,” Sidaas waxaa Wariyaha Garowe Online ee magaalada Garowe u sheegay qof Goob jooge ahaa.

Dad ka agdhawaa goobta ayaa u gurmaday dadka waxyeelladu kasoo gaartay gaarigaas, waxaana Baabuur Ambalas ah oo goobta marayay la saaray dhaawacyadii, halka dadweynuhu awood u yeelan wayeen inay goobta ka saaraan 4 qof oo mayd ah kuwaasoo markii dambe loo adeegsaday Wiish.

Goor dambe oo Saacad iyo dheeraad kasoo wareegtay, waxaa goobta soo gaaray mas’uuliyiin katirsan Maamulka degmada Garowe.

Goobtan ayaa inta badan waxaa ka dhaca shilal caynkan ah, iyadoo ay ka leexdaan waddooyin aad Kaamamka barakacayaasha iyo Warashadda Biyaha Sifaysa.

Ciidamada ilaalada waddooyinka ee loo yaqaano Taraafikada aya goobta soo gaaray, waxayna baaritaan ku sameeyeen qaabka baabuurtu isugu dhacday iyo waliba gaariga khaladka lahaa, waloow natiijada aan loo soo gudbin warbaahinta.

Taliyaha Ciidamada Waddooyinka Puntland ee Kornayl Axmed Cabdi Cali oo Radio Garowe uga waramayay shilkii saaka ka dhacay duleedka Bari ee caasumadda Garowe, ayaa sheegay in shilkaas ay ku dhinteen 4 qof, dhaawacana uu gaarayo 4 qof.

Wuxuu intaas ku daray inaysan natiijada iminka shaacin karin sababtoo ah dhimasho ayuu sheegay inuu shilka sababay, isagoo intaas ku daray inay waqti kale ku noqon doonaan maadaama meesha buuq ka jiray.

Maamulka Cusbitalka oo aan la xariirnay ayaa noo sheegay in dhaawaca qaybtood yihiin kuwo halis ah, halka mid kamid ah uu geeriyooday kaasoo kamid ah shanta qof ee dhimatay.

Shilka ayaa kusoo aaday xilli Xalay roob badan uu ka da’ay magaalada Garowe iyo Nawaaxigeeda, waxaana Booyaduhu dadaal ugu jiraan sidii ay biyo xareed ah u keeni lahaayeen magaalada oo in muddo ah abaarsanayd.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM

Ciidamada Badda Puntland oo “ka hortagay” qorsheyaal abaabulan

Ciidanka ayaa si adag u dardargeliyey sugidda Amniga xeebaha Badweynta Hindiya ee Puntland.

  • Puntland

    15-04-2024

  • 05:29AM