Shaqsiyaad Al-Shabaabnimo ku cabsi gelin jiray mas'uuliyiin oo la qabtay

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa shaaca ka dhigtay in ay gacanta kusoo dhigtay shaqsiyaad iska dhigi jiray dagaalameyaasha Al-Shabaab kuwaas oo cabsi gelin jiray dad ay ku jiraan mas'uuliyiin dowladeed.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha maamulkan xubinta ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegay in shaqsiyaadkaas ay wajihi doonan cadaaladda.

Dhabancad oo hadalkiisa sii wata ayaa rumeysan in xoogaga gacanaarka la leh Al-Qaacida ay u beegsadaan gudoomiyeyaasha gobolada "si ay u cabsi geliyaan dadweynaha" arrintaas oo uu rajeeyay in aysan dhici doonin.

"Iyaga waxay la tahay in gudoomiyeyaasha gobolada ay yihiin kuwa xambaara siyaasadda dowladda ee goboladda, marka waxay la tahay in ay madaxa dadka ay ka galaan si ay dadka cabsi u geliyaan, inta ka hooseysana ay u baqaan, laakiin taas ma dhaceyso hadii Ilaahey idmo, kii dhinta Ilaahey baa oofsaday, Janno ayayna ku galeynaa hadii Ilaahey idmo gacmo ka xaq-daran baa dishay, dowladdana waxay balanqaadeysaa hadii Ilaahey idmo kuwa bedelayana in ay noqdaan kuwa iyagana u aarguda kuwa iyaga ka horeeyay," ayuu wasiirka u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee degaanada Puntland.

Ku dhowaad laba bil gudahooda ah, Al-Shabaab ayaa dishay gudoomiyeyaasha gobolada Mudug iyo Nugaal ee Puntland. Falalkaas waxay ka dambeeyeen markii ciidanka amniga kordhiyeen baacsiga xubnaha ururka.

Si gaar ah Gaalkacyo, waxaa bilooyinkii lasoo dhaafay looga qabtay isla markaana lagu laayey xubno dhowr ah oo kooxda muhiim u ahaa.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka dhawaajiyey in baaritaanka dhacdooyinkaas ay meel fiican marayaan isla markaana dhowaan la maxkamadeyn doono eedeysaneyaal kala duwan.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, eedeysaneyaasha lagu soo qabtay in ay iska dhigi jireen maleeyshiyaadka argagixisada Al-Shabaab waxay qaarkood lacago baad ah ka qaadan jireen odayaasha dhaqanka iyo ganacsatadda.

"Qaar waxaa lagu macneeyay in ay baqayaan oo lasoo wacay oo la yiri ma tagi kartaan tacsida gudoomiyihii aanu annaga dilnay oo argagixisadda ay waceen, baaritaan ayaana ku socda kuwaas; qofka hadii uu ahaa qof la baqamaalayeyna, hadda cidii baqamaaleysay in aan ka fujino oo aan ka qabano oo talaabo aan ka qaadno; dowladda xataa dhowaan waxay gacanta kusoo dhigtay oo lasoo qabqabtay dad aan xataa argagixiso ahayn, laakiin iska dhigi jiray oo inta ay mas'uuliyiin, odayaasha iyo ganacsatada waca oo lacago baad ah ka qaadi jiray; marka waxa weye cidda baqamaasha in laga fujiyo oo gacanta lagu soo dhigo oo sharciga hortooda lagu marsiiyo, hadii iyaga ay yihiin kuwa u shaqeynaya argagixisadana in iyaga sharciga la horkeeno," ayuu xusay.

Cabsigelinta ayaa kamid ah xeeladaha ay Al-Shabaab adeegsato marka ay howlgal fulineyso ama lacago baad ah ka qaado dadka. Sidda ay muujinayaan xogo kala duwan, waxaana qaabilsan guuto gaara.

Dowladda Puntland ayaa wacad ku martay in falalka ay argagixisadda fulineyso in aysan ka weecin doonin siddii xididaha loogu siibi isla markaana nabad loogu soo dabaali lahaa guud ahaan degaanada hoostaga maamulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM