Soomaaliya: Doontii Caaridey oo Dajin Lagu Bilaabey, Shiikh Fu'aad oo Ka Hadlay [Daawo]

Image
Image
Image

BOOSAASO- Waxaa maalintii shalay Feb 16,2018 lagu guuleystey in la gaaro Doon u rarneyd ganacsatada Soomaaliyeed taasoo bisha February horaanteedii ku soo caaridey duleedka dekada magaalada Boosaaso iyadoo howlgal gurmad oo lagu badbaadinayo la bilaabey. 

Ganacsato, aqoonyahan iyo guud ahaan shacabka magaalada Boosaaso ayaa howlgalkaan oo maamulka Puntland ka maqnaa waxay ku dhiseen guddi uu madax ka yahay Shiikh Fu'aad Maxamuud Xaaji Nuur [ Guddoomiyaha guddiga badbaadinta Doonta] kuwasoo howshooda bilaabey Feb 8,2018. Guddigaan oo kaashanaya dhamaan gargaarkii qaybaha kala duwan ee bulshada ay la soo gaareen ayaa waxay ku guuleysteen iney aasaan masaafo dhererkeedu yahay [Badda gudaheeda] 316 Mitir hoosna u qodan 6 Mitir. 

Shiikh Fu'aad oo uu dhinac taagan yahay, Ganacsade Cabdi-kaafi oo Ilmeynaya ayaa shir jaraa'id ku qabtey afaafka hore halka Doontaas kaga xiran tahay dakadaas macmalka ah, waxaa uuna mahad u celeiyey dhamaan dadkii ka qayb qaatey badbaadinta hantidaas.

"Horey waxaan u arki jirney Doon dekad ku soo xirata, maanta waxaan arkeynaa dekad doon ku xirata, dekadii baa Bariga ka timid doontii bay ku xiratey, runtii waxay aheyd isku day, dad badan waali u arkayey laakiin way rumowdey, madaama aan ahaa gudoomiyihii howshii wadey waxaan u mahad-celinayaa qofkasta howshaan ka qayb qaatey, dadkii hantidoodii keeney iyo Injineeradii la'aantood ay howshaan qabsoomi laheyn." ayuu yir Shiikh Fu'aad oo aad ugu faraxsan howshaan qabsoontey.

Fu'aad Maxamuud Xaaji Nuur ayaa u mahad celiyey Dumarkii Raashinka siinayey dadkii ku howlanaa dhismaha Dekadaan macmalka ah iyo ciidamada amniga sugayey isagoo dhinaca kale raali galin siiyey saxaafada mudadii ay u diideen iney booqdaan goobta howshaan ka socotey.

Gudoomiyaha guddigaan oo tix halkaas ka jeediyey ayaa ujeedkeedu ahaa iney kala og-yihiin intii howshaan ay ku gudda jireen kala yaqaaniin dadkii gacanta ka gaystey iyo kuwii aan ku faraxsaneyn Ilaah ugu Mahad Celiyey in Sagaal maalmood gudahood 316 Mitir oo badd ah ku xabaalaam kadib-na dekada aad aragteen sameysanto.

"Sagaal maalmood ayaa 316 Mitir oo Badd ah la xabaaley, dabadeedna Dakadda aad aragteen baa ka sameysantey Insha-alaha tacaalaa waxaan jecelnahay iney meeshaan noqoto meel dadka anfacda annaga iyo dowladuna waan iska arki doonaa iyadoo aan ognahay in badan isweydiineyso waxa laga yeeli doono." ayuu yiri Shiikh Fu'aad isagoo saxaafada la hadalaya waxyar kadib markii dajinta lagu bilaabey doontaas.

Doonta Al-Xafiis oo ku soo caaridey duleedka dekada magaalada Boosaaso ayaa waxay sidey 1700 tan xamuul ah oo isugu jira gawaari gaareysa 50, shidaal iyo Bagaash kale taasoo u rarneyd ganacsato kala duwan.

Dowlada Puntland oo iyadu markii hore howlgalkaan ka caga-jiideysay ka qayb qaadashadiisa iyadoo Madaxweyne Gaas mudadii uu ku maqnaa Muqdisho ka aamusnaa dadaalka dadkaan ku badbaadinayaan Doontaan ayaa markii uu dib ugu soo noqdey magaalada Garoowe cashuur dhaaf ay ku khasban yihiin u sameeyey badeecada saaran Al-Xafiis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM