Soomaaliya: Muxuu Yahay Khilaafka Kala Qaybiyey Golayaasha Dowlada Puntland

Image

GAROWE- Kadib markii Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas kulan deg deg ah isugu yeeray maalmihii lasoo dhaafey golaha xukuumada Puntland si go’aan ugu gaaraan qaraarka Barlamanada Federaalka Soomaaliya dalka uga mamnuuceen shirkada DP World ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya kala qaybsanaan xoogan oo soo kala dhexgashey golaha fulinta.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo hadal kooban ka jeediyey kulankaas inta uu socdey ayaa sida GO ogaadey sheegey in Barlamanada Federaalka aysan kala reebin Somaliland iyo Puntland markii ay shirkada DP World ka mamnuucayeen dalka. Gaas ayaa ku dhaliiley dowlada Federalaka ineysan tixgalin siin Puntland oo ka tirsan dalka Soomaaliya islamarkaana ku dhaqanta nidaamka Federaalka kaasoo maamulada awood Dastuuri ah u siinaya iney heshiisyo la gali karaan shirkado shisheeye.

” Hadii heshiiskan oo Puntland golayaasheeda dowlada ansaxiyeen ay dowlada Federaalka ka qabto su’aalo waxay aheyd iney nagala xiriiraan ee ma aheyn in maamulkan galiyaan khaanada Somaliland .” Sidaas waxaa GO u sheegey Wasiir ka tirsan golaha xukuumada Puntalnd oo goob joog ahaa kulankaas.

Dhinaca kale kulankaan inta uu socdey ayaa cod bixin loo qaadey in Puntland diido go’aankii Barlamanada Soomaaliya ku mamnuuceen shirkada DP World ayaa waxaa ka hor yimid 17 Wasiir halka 27 aqbashey in qaraarkaas la diido.

Wasrsidaha Garowe Online ayaa sidoo kale  ogaadey magacyada Wasiirada diidey qarkood waxaa kamid ahaa; Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdulahi Shiikh Axmad, Wasiirka Arimaha Gudaha Axmad Cilmi Cisman (Karash), Maxamuud Faarax Beeldaaje Wasiiru dowlaha Maaliyadda, Burhaan Cilmi Xirsi Wasiiru dowlaha Xariirka Caalamiga ee Madaxtooyada, Sayid Cumar Guuled- Wasiiru dowlaha Caafimaadka, Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil- Wasiir kuxigeenka Warfaafinta iyo kuwo kale. Xogta GO ka heley qaabka codeyntaan u dhacdey ayaa sheegeysa in dhamaan Wasiirada kasoo jeeda gobolka Sool iyo Cayn marka laga reebo Wasiirka arimaha gudaha Timacade ay diideen in Puntland difaacdo xuquuqdeeda Dastuuriga ah ay heshiis kula gali karto shirkado shisheeye halka kuwo ee kasoo jeeda gobolka Barri diidmooda shirkada DP la xiriirtey midda shacabka dagan Boosaaso qaybtiis u muujiyeen shirkadan.

Sida xogogal ka tirsan golaha fulinta Puntland u sheegey warsidaha GO,ayaa xubnaha kasoo jeeda Gobolada Sool iyo Cayn ee diidey in maamulkaan soo saaro qoraal kasoo horjeeda qaraarkii Barlamanada Soomaaliya ku mamnuuceen shirkada DP World, ay tahay kadib markii saameyn siyaasadeed iyo balanqaadyo ay ka heleen madaxda sare ee dowlada Federaalka iyadoo sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu xiriiriye ka yahay barnaamijkaan Saadiq Garaad oo ka tirsan aqalka Wakiilada Puntland.

” Heshiiska Puntland la gashey shirkada P&O waa dhici kartaa in khaladaad jiro u baahan in la saxo laakiin taas macnaheeda ma aha in maamulkaan oo muddo 20 sano ah jirey oo aan nasiib u helin in kaabayaashiisa dhaqaale la dhiso markii Dowlada Soomaaliya jirtey halka dowladihii dalka xakumey burburkii ay Muqdisho kaliya diirada saareen, ma aha in Puntland aqbasho in Barlamaanada aan qaarkood sharciyad lahayn kuwaasoo mooshino iska gudbinaya ay gacantaag u sameeyaan joojinta mashaariicda ka socota mamaulkaan, ma aqbaleyno.” Sidaas waxaa GO u sheegey Wasiir kamid ah kuwo u codeeyey in Puntland diido go’aanka Barlamanada Soomaaliya kasoo ka codudaartey in magaciisa xusno xaalada jirta darted.

Codbixintaan kadib Madaxweynaha Puntland waxaa uu guddi Wasiiro ah u saarey iney qoraal kasoo diyaariyaan Jawaabta Puntland ka bixineyso go’anka Barlamanada Soomaliya ku mamnuuceen shirkadaan.

Guddigan ayaa sida GO ogaadey go’aankooda oo qoraal ah u gudbiyey Madaxweynaha Puntland balse ma dhicin in Cabdiweli Gaas horkeno golaha Wasiirada shirkii ay yeesheen Khamista la soo dhaafey.

Sababta Madaxweyne Gaas shirkii golaha Wasiirada u horkeeni waayey go’aankii guddiga uu ka soo saarey qaraarkii Barlamanada ayaa ah kadib markii Wasiiradii ka horyimid arinakaan ay bilabeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed kuwasoo kulamo ku yeeshey aqalka Madaxweyne ku xigeenka ka dagan yahay magalada Garoowe.

Kulamadaan ayaa sida wararka ku heleyno waxaa ay ka soo baxey in arinka khilaafka keeney ku xiriiriyaan in Madaxweyne Gaas cago jiidayo  in Puntland dagaal la gasho Somaliland  madaama uu rabo inuu la mowqif noqdo Madaxweyne Muuse Biixi. 

Sidoo kale gadoodkaan siyaasadeed ayaa  Wasiirada diidey in Puntland go’aan ka qaadato qaraarka Barlamanada Soomaaliya ay habeenadii lasoo dhaafey qaarkood u hoydeen tuulooyin u dhexeeya magaalo madaxda Garoowe iyo Tukaraq kuwaasoo raadinaya iney culeys ku saaraan Madaxweyne Gaas inuu dagaal qaado.

Gudd. ku xigeenka Barlamanka PL Xaaji iyo Xil. Dhuubane oo kasoo jeeda gobolka Cayn-Taalo-tuugo jiida hore

Xogaha laga helayo khilaafkaan taagan ayaa sheegaya iney jiraan koox xildhibaano ah oo u kala dabqaadeysa Madaxweynaha iyo Wasiirada gadoodsan kasoo aan weli la ogeyn natiijada kasoo baxdey.

” Waxaa aad u hooseeya doorka beelaha daga Gobolada Sool iyo Cayn ku leeyihiin difaaca ciidamada Puntaland kaga jiraan degaanka Tukaraq Marka laga eego dhinac maaliyadeed iyo ciidan.” Sidaas waxaa GO u sheegey Wasiir kamid ah golaha xukuumada Puntland.

Magaalada Garoowe ayaa la filayaa in maanta kulan qado ah ku yeeshaan qaar ka tirsan golaha Wasiirada kuwasoo kaga hadli doona khilaafka taagan.

Sida ay qabaan siyaasiyiin Reer Puntland ah kala qaybsanaanta golaha fulinta Puntland ayaa waxay khatar ku tahay xasiloonida mamaamulkaan iyadoo ay jirto faragalin buuxda oo dowalada Federaalka ku hayso arimaha gudaha ee maamulkaan.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo bishaan bartamaheeda waxay hay’adaheeda ku Jiraan loolan siyaasadeed sidii ay madaxdooada isaga takhalusi lahaayeen  siyaasiyin.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM