Soomaaliya: Shirkadda dhisaysa wadada Jalam iyo Xarfo oo ka jawaabtay warbixintii Garowe Online

Image

GAROOWE, Puntland- War-saxaafadeed ay soo saartay shirkadda qaadatay mashruuca lagu dhisayo wadada isku xirta Jalam iyo Xarfo ee Puntland, ayay kaga jawaabtay war-bixin uu qoray War-sidaha Garowe Online 22 March, 2018 [Halkan ka Akhri], kaasoo soo xiganayay xogo iyo macluumaad uu ka helay dad xogogaal u ah mashruuca ay gacanta ku hayso hay’adda GIZ.

Jawaabta Is-xilqaan oo lagu aflagaadeeyay Mareegtan iyo kooxo aysan magacooda sheegin, waxaa lagu sheegay in mashruucu wali socdo islamarkaana warbixinta la qoray ay ahayd mid xaqiiqada ka fog.

“Dadka magacooda diiday in la xuso, wax caddeyn ahna aan keenin warbaahin mas’uul ah xog kama qaadato. Mana aha markii ugu horreysay ay Garowe Online shacabka sharafta leh usoo gudbiso been abuur ay ku magacowday xog.” Ayaa lagu yiri qoraalka shirkaddaas.

Is-xilqaan oo qodob qodob u soo qaadatay waxyaabihii uu qoray War-sidahan, waxay sheegeen in mashruucu sidii loogu talo galay u socdo islamarkaana ay hagaajiyeen 27 km oo ka bilaabanaya degmada Burtinle ee gobolka Nugal, kuna eg Xarfo oo katirsan Mudug.

“Dhismihii wadadu ma joogsan waaana socdaa ilaa hadda. Sawirradii laga qaaday shaqada oo si habsami leh u socota maalintii Garowe Online been abuurka ay soo qortay waxay ku jiraan baraha bulshada oo laga eegi karaa.” Sidaas waxaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay ICC [Is-xilqaan Construction Company].

Shirkadaan ayaa inta aysan soo saarin qoraalkaan aan ku casumin saxaafada madaxa banaan iney dul-gayso goobaha shaqada ka socoto iyo ilaa hadda waxaa laga qabtey dhismaha wadadaas.

Mar ay ka hadlaysay shirkadaan la magac baxdey ICC shaqada ay qabteen, waxay sheegeen in 27km oo u dhigma 42% ay hagaajiyeen howshuna u socoto sidii loogu talo galay.

Qoraalkan, waxaa meesha looga saaray in shirkaddu ku lagu xushey Eex, sidoo kale Carro boor ah la dhigay wadada iyagoo war aan jirin ku tilmaamay in hay’adda GIZ ay hogaaminayso mashruuca uu maalgalinayo Midowga Yurub.

“Shuruudaha Qandaraaska kuma qornayn shardi qeexaya Ingineerada tiradooda, jinsiyadooda inay ajnabi noqoto, nooca shahaado looga baahanyahay iyo inta sano khibradeed midnaba. Shirkadda ICC ayaa iskeed u go’aansatay in ay la timaado aqoonta iyo kibradda Mashruuc noocaan ah u baahan karo si howsha mashruucu habsami ugu fusho.” Ayaa lagu yiri qoraalka ICC.

Sidoo kale waxay tilmaameen in maamulka hay’adda Nesha ee hadda loo badalay PHA, ay ka biyo diiday ingineero ay soo xulatay sababo aan loo sheegin awgood, waxayna intaas ku dareen in muddo shan bilood kadib ah markii mashruuca la saxiixay ay shirkaddu raadsatay Injineero kale oo aan ka khibrad yarayn kuwii hore sida ay hadalka u dhigeen.

Mar ay ka jawaabayeen inay keensadeen shaqaale laga soo qoray xeryaha Qaxootiga ka yimid Yemen iyo Maamulaha laga keenay Imaaraadka waxay sheegeen, “Maamulaha mashruuca ee lagu tilmaamay in Imaaraadka laga keenay waa muwaadin Soomaaliyeed oo dalka gudahiisa joogay oo deegaanka u dhashay. Shaqaalaha hoose ee lagu tilmaamay in laga soo qoray xeryaha Qaxootiga waa 3 aqoonyahan oo khuburo ah, isku darka khibradooduna kor u dhaafayso 60 sano, waxaa weheliya khubura kale oo laga keenay Kenya.”

Ugu dambayn shirkadda ayaa GO ku eedaysay in warbixintaas ay uga dan lahayd in la fashiliyo Mashruucan islamarkaana ay ahayd been aan sal iyo raad toona lahayn warbixinta ay ka qoreen.

Dhinaca kale Guddoomiye ku-xigeenka Shirkaddaas, Nabadoon Khaliif aw-Cali oo la hadlay Radio Garowe, ayaa difaacay mashruucan iyo sida shirkaddu u wado, wuxuuna sheegay in shaqadu socoto. Halkaan ka dhageyso 

Tallaabadan ayaa timid xilli dhawaan Madaxweyne Gaas kasoo laabtay safar uu ku tagay waddanka Kenya gaar ahaan Nairobi, oo arrimihii uu u tagay qayb ka ahayd kulamo uu la yeelanayay Midowga Yurub kuwaasoo uu kala hadlayay sidii dib loogu bilaabi lahaa mashruucan istaagay.

Lama oga waxa uu kala kulmay shirarkaas Madaxweyne Gaas-na kama hadlin markii uu Puntland kusoo laabtay, balse wararka uu helayo Garowe Online, ayaa sheegay in Miwodga Yurub ay Madaxweynaha u sheegeen in ay socoto baaritaan ay waddo hay'ad ka madax bannaan dhinacyada uu khuseeyo mashruucan, taasoo baaritaan ku wada shaqadan, waxa joojiyay iyo dhibaatada jirta. Baaritaankaas kadib ayaa la filayaa in laga wada hadlo mashruucan.

Aragtida Garowe Online ee war-saxaafadeedkan:-

Garowe Online oo ah hay’adda Madax bannaan islamarkaana gacan saar aan la lahayn dowladda, hay’adda gooni ah, koox, shakhsiyaad iyo qof intaba, ayaa aad uga xun war-saxaafadeedkan iyo qaabka af-lagaadaynta ah ee ay uga jawaabtay xogtii aan qornay 22 March, 2018 taasoo aan daabacnay kadib baaritaano aan wadnay muddo dheer iyo xog rasmi ah oo aan ka helnay dadkii daneynayay in mashruucaan loo fuliyo sidii loogu hehsiisyey. 

Warsidaha ayaa sidoo kale u sheegaya shirkada Is-xilqaan in Warbaahintu aysan marnaba shaacin goobaha ay ka hesho xoga islamarkaana aan sharcigu u ogolayn inay shaaciyaan magacyada dadka codsada in la qariyo.

FG: Garowe Online, wuxuu u ballanqaadayaa shacabka ku nool maamulka Puntland iyo Soomalaiya guud ahaan inuu il gooni ah ku eegi doono mashaariicda ka socda waddanka, maadama aysan jirin qaybaha Dowladuhu ka kooban yihiin ( Fulinta, Sharci dajinta iyo Cadaalada) kuwasoo  isku milmey una heshiiyey shacabka.  Saxaafadda kaliya ayaa noqotey midda kaliya ee la xisaabtanta hay'adaha dowliga ah ee ka dhisan Soomaliya.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA KASOO BAXAY SHIRKADDA DHISAYSA JIDKA ISKU XIRA JALAM IYO XARFO ​

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM