Tafaasiil laga bixiyey kulankii Deni iyo guddiga doorashada KMG Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kulan la qaatay Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland.

Madaxweynaha oo warbixin ka dhegaystay Guddiga ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee u qabsoomtay, waxaana uu ku dhiirigeliyay in ay halkaasi kasii wadaan.

Madaxweyne Deni waxaa ka go’an hirgelinta nidaamka xisbiyada badan oo hadda meel wanaagsan maraya, Xukuumaduna waa garab taagantahay Guddiga, iyadoo la illaalinayo madax banaanidooda.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM