UN-ka oo ka hadlay muranka Puntland iyo Somaliland ee Sool iyo Sanaag

Image

GAROWE, Puntland – Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxa markii ugu horeysay soo hadal-qaaday colaada gobolada Sool iyo Sanaag ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland.

James Swan, oo Isniinta maanta ah tegay Garowe, caasimada dowladda Puntland, ayaa la kulmay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, kaasoo ay kawada hadleen xaaladda guud ee waddanka.

Mr Swan oo kulanka kadib u waramay saxaafadda ayaa tilmaamay in ay Deni isla soo qaadeen muranka mudada taagan ee Sanaag iyo Sool si lamid ah isku dhacyadda goos-gooska ee Tukaraq.

Xoogaga maamulka Hargeysa ayaa bishii June ee sanadkii hore 2018-kii duulaan ku qabsadey degaankaasi, taasi oo dhalisay xaaladdo bini'aadanimo oo ay kamid tahay barakac dadka rayidka ah.

Erayga oo socdaalkiisa Puntland uu noqonayo midkii ugu horeeyay oo uu ku tago maamul goboleeyadda ayaa waxa uu labada dhinac u soo jeediyey in ay ka fogaadaan iska hor-imaadyo kale.

"Tani waa xiisad kasii dareysa," ayuu yiri Mr Swan oo daba dhigay "Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Somaliland, waxaan ka codsadey geedi u socod nabad ah oo ku aadan muranka".

Gobolada ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland ee Sool, Sanaag iyo Ceyn oo murankoodu soo jireen yahay ayaa waxa labada maamul ugu kala magacaaban mas'uuliyiin.

Geesta kale, Mr Swan ayaa waxa uu balanqaadey in uu ka shaqeynayo sidii dalka loogu hogaamin lahaa siyaasad loo dhan yahay iyo isu soo dhowaanshiyaha dowlada iyo maamulada.

Ugu dambeyntii, dowladda Puntland ayuu si gaar ah ugu yahoobay in uu si dhow ugala shaqeynayo adkeynta ammaanka, mashaariicda horumarineed iyo xoojinta hay’adda dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM