Ururrada naafada Puntland oo Garowe ku shiray

Image
Image
Image

November 18, 2014 (GO)- Ururrada ku mideysan Dallada Naafada Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku yeeshay  kulan aqoon isweydaarsi ahaa oo laysaga xogwaraysaneyey siyaasadda naafada Puntland ee horay loo meel mariyey.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay xubno ka socdey ururada naafada Puntland iyo mas'uuliyiin ka tirsan Hay'adda Handcap International.

Gudoomiyaha Naafada Puntland Cali Cabdi Aadan ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada kulanka, isagoo sheegay inay tahay sidii wax laysaga weydiin lahaa waxa ka qabsoomay siyaasadda naafada. 

Cali Cabdi ayaa dhanka kale ku booriyey ururrada ka qayb gelaya kulanka in arintan mudada halka maalin ah ee kulanku socdo ay si wanaagsan uga doodaan.

Madaxa Xafiiska Hay'adda Handicap ee Puntland Maxamed Faarax oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in hay'adda Handicap u taagan tahay u qareemidda iyo weliba taageerista naafada meel kastoo ay joogaan.

Siyaasada Naafada Puntland oo dhawaan la meel mariyay waxaa fikirkeeda lahaa Xukuumadii hore ee Madaxwayne Cabdiraxmaan  Faroole.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM