​War-murtiyeed kasoo baxay kulan dhex-maray Madaxweyne Gaas iyo Guddiga Doorashooyinka Federaalka [Akhriso]

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa magaalada Garowe, caasumadda Puntland ku kulmay Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Federaalka iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Kulanka xubnaha oo safar ku jooga Puntland iyo Madaxweynaha ayaa kawada hadlay arrimo ku aadan wada shaqaynta labada dhinac iyo waxyaabihii u gabsoomay Guddiga mudadii ay magacaabnaayeen.

War-murtiyeed kasoo baxay shirkaas ayaa lagu sheegay in labada dhinac kawada hadleen, sidii loo amba qaadi lahaa geedi socodka doorashooyinka 2020 iyo qaabka ay u dhacayaan, sidoo kale waxay isla soo qaadeen caqabadaha horyaalla doorashada.

Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale shirkoodaas ku falanqeeyay sida maamullada dalka uga qayb qaadanayaa nidaamka lagu doonayo in doorashada dambe ee Somalia ka dhici doonta u noqon lahayd mid qabsoonta qof iyo cod.

Guddiga oo muddo Saddex maalmood booqashadoo ku joogi doona Puntland, ayaa la filayaa inay shirar la qaataan, Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Xildhibaanada,Guddiga doorashooyinka Puntland, Wasaaradda Dastuurka, Ururrada Bulshada iyo Haweenka iyo waxgaradka Puntland.

Dhammaan dhinacyadaas waxay wax kaweydiin doonaan hannaanka lagu doonayo Dimuqraadiyadda iyo inay shacabku doortaan Madaxdooda.

HALKAN KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALIA

UJEEDDADA SAFARKA GUDDIGA

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka duulaya istratijiyadiisa, waxaa uu billaabay safarro iyo kulama uu ku kala bixinaayo Dawlad Goboleedyada Soomaaliyeed.  Kulammadan oo salka ku haya la tashiga iyo ka qayb galinta qorshaha shanta sano ah ee Guddiga, ka warbixinta sharciga xisbiyada siyaasada ee dhismaaya, wadashaqaynta Guddiga iyo Dawlad Goboleedyada.

Guddigu wuxuu qorsheeyey in uu la kulmo Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka; Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweyne ku xigeenka, Golaha Wasiirada, Xildhibaanada,Guddiga doorashooyinka Puntland, Wasaaradda Dastuurka, Ururrada Bulshada iyo Haweenka, waxgaradka Puntland.

SOO DHAWAYNTA IYO LA SHAQAYNTA GUDDIGA

Waxaa Guddiga soo dhawayn iyo sidii lagula shaqayn lahaa la sameeyey Wasiiru dawlaha madaxtooyada Puntland iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka.   Madaxdan waxay kala shaqeeyeen Guddiga fulinta qorshe hawleedka sare ku xusan ee Guddiga iyo hagidda iyo isku xirka dhammaan waaxaha iyo hay’adaha dawladda iyo Guddiga.

LA KULANKII MADAXWAYNAHA PUNTLAND

Guddigu waxaa uu kulan heer sare ah la qaatay Madaxwaynaha Puntland oo ay goobjoog ahaayeen Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka.  Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Puntland, waxaa Guddiga ka qayb galay Guddoomiyaha, Ku xigeenka iyo xubno ka tirsan Guddiga.

Madaxwaynaha Puntland ayaa si wanaagsan ugu soo dhaweeyey Guddiga xarunta Madaxtooyadda Puntland. Soo dhoweynta kadib wuxuu Mudane Cabdiweli ka dhegeystey warbixin tifatiran oo dhinacyo badan taabaneysa, waxaana ugu muhiimsanaa:

Wixii u qabsoomey Guddiga mudadii uu jirey

Caqabadaha horyaala doorashada 2020 iyo sida looga gudbi karo iyo

Sida ay muhiim u tahay wadashaqeyn dhex marta Dowla goboleedka Puntland iyo Guddiga

Warbixinta kadib ayaa waxaa Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland si diiran uu u soo dhoweeyey warbixinta Guddiga iyo howsha adagee ay u dhabar adeegen, wuxuuna carabka ku adkeeyey in Puntland ay diyaar u tahay in ay si dhow ula shaqayso Guddiga.  Waxaa kale uu Mudane Cabdiweli Guddiga ku boorriyay in u dhaqmaan una shaqeeyaan inay yihiin Guddi Soomaali oo dhan matala.  Sidoo kale in ay la yimaadaan hufnaan iyo wada shaqayn hufan.  Gaar ahaan hay`adaha ay shaqada kala dhexeyso.

Dr Cabdiweli Gaas wuxuu meesha ka saarey in xisbiyada Siyaasadeed ee abuurmaya aysan ku koobnaan hal deegaan oo kaliya.

Wuxuu ku dhiirra geliyey Guddiga in ay la wadaagaan Wasaaraddaha iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland aqoonta iyo hay`adaha kale ee shaqada la leh wixii dhaqaale ah ee loo qoondeeyay doorashooyinka dalka.

Waxa Madaxwaynaha Puntland muujiyay in ay tahay waajib in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah oo ku dhisan qof iyo cod.   Wuxuu ku boorriyay dawladda dhexe in aay wax kasta ka hormariyaan xooggana saaraansidiidalka looga xoreeyn lahaa si loo helo afti iyo codayn loo qaado dastuurka. Dhanka kale waxaa Cabdiweli Gaas uu xaqiijiyay in ay ka go’an tahay in Puntland laga qabanayo doorashooyin iyadoo dhawaan la billaabayo u diyaar garowgeedii.

Guddigu wuxuu gacanta u geliyay Madaxwaynaha Puntland Dokumentiyo ay kamid yihiin Qorshaha Howleedka  shanta sano ee Guddiga, Dokumeentiga diwangalinta Xisbiyada, warbixinnadii afarbilood laha ahaa ee sannadkii hore iyo document-ga dhismaha xarunta weyn ee loo dhisaayo Guddiga. Guddoomiyaha Guddiga oo ku wareejiyay Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u faah faahisay sida ay Guddigu ugu diyaar yihiin hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah 2020 haddii Eebbe idmo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM