​WARBIXIN: Xaalad adag oo soo wajahday qoysas u hayaamay gobolka Karkaar [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- War-sidaha Garowe Online oo si madax bannaan ugu adeega bulshada Somaliyeed  ayaa u kuurgalay xaaladda ay ku suganyihiin qoysas tiro ahaan ku dhow 10,000 kuwasoo u hayaamay gobollada Bari ee Puntland, halkaas oo dabayaaqadii sannadkii hore ka da'een roobab kala duwan.

Safar qaatey muddo 5 maalmood ah, ayaa koox iskood isu xilqaantay oo ay weheliyaan wariyaal katirsan GO, waxay ku mareen deegaanada ay gaareen qoysaska soo naq-raacay kuwaasoo daris la noqday marxalado kala gadisan.

Dadka reer guuraaga ah, ayaa tagay inta u dhaxaysa deegaanka Dhuudo iyo degmada Bandar-bayla oo qiyaastii 225KM u jirta magaalada Qardho.

Qoysaska halkaas naqa ka dagay, ayaa kusoo hayaamay baabuurta noocyadooda waaweyn inkastoo ay jiraan kuwo dhaqaaluhu u saamixi waayay oo kusoo guuray gaadiidka yar-yar.

Warbixintan, waxaan diiradda ku saari doonaa xaqiiqada rasmiga ah ee halkaas ka jirta iyo baahiyaha ay qabaan dadka soo hayaamay kuwaasoo aysan jirin cid ilaa hadda kaalmo bini-aadanimo u fidisay marka laga yimaado dadka deegaanka oo xaqiiqdii aad usoo dhaweeyay.

HALKEE KA YIMAADEEN DADKA SOO HAYAAMAY?

Dadkan oo safriyay xoolo isugu jira, Geel, Lo' iyo Ari, waxay ka yimaadeen gobollada Puntland qaybtood sida Nugal, Mudug, Sanaag iyo Sool, halka kuwo kale ay kasoo kicitimeen dhinaca Somaliland gaar ahaan gobolka Togdheer iyo goobo kale.

Waxay adeegsanayaan Gawaarida waaweyn gaar ahaan midka Somalidu u taqaan Candho-maydle kaasoo ay kusoo rareen duunyadii wixii tabar darnaa, carruur iyo haween.

Qoysaskaas ma-soo qaadan wax agab ah oo ay u adeegsadaan inay ka galaan qoraxda maalintii iyo Qabowga habeenkii iyadoo ay xusid mudantahay in goobahaas ay ka dhacdo dhaxan aad u daran.

XAALADDA DADKA TAGAY NAQA;

Dad badan waxay aaminsanyihiin in qoysaskaasi tageen dhul barwaaqo ah oo ay ka raysteen dhibaatadii abaarta, balse taasi aad bay uga fogtahay xaqiiqada aan soo aragnay.

In badan oo kamid ah qoyaysaska Somaliyed ee soo naq-raacay ma yaqaanaan deegaanka iyo dadka intaba, waxaana soo wajahay dhibaatooyin kala duwan xilliga ay safarka yihiin iyadoo mararka qaar ay dhacdo in baabuurtu ku dajiso goobo aan degaanka ku wanagsaneyn iyadoo qaybtood loo adeegsaday awood.

Sida ay noo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka Dhuudo oo hoos-timaada degmada Bandar-bayla gobolka Kar-kaar, waxaa jira dhowr kiis oo dhacay mudadii qul-qulka hayaanku socday, kuwaasoo isugu jiray qoysas lagu daadiyay goobo aan ahayn halkaasii ay u socdeen iyo kuwo qaab khasab ah loogu furay waddooyinka dhexdooda, taasoo kaliftay in dadka deegaankaasi u qaaraamaan oo ay u qabtaan baabuur gaysa meesha ay u socdeen.

Dadkaasi ma wataan gaadiid ay ku dhaansadaan Biyaha iyo agabka kale ee ay u baahanyihiin, waxaana taasi kaliftay inay khatar gasho nolosha dadka u nugul dhibaatada kuwaasoo qaybtood soo galay safar dheer oo waqti badan qaatay.

DHACDOOYINKII XANUUNKA LAHAA EE AAN LA KULANAY;

Mudadii aan safarka ahayn, waxaana soo aragnay dadkaa aad u tabaalaysan oo ku nool rajada EEBBE, kuwaasoo ay ku jiraan Carruur, Haween iyo Waayeel intaba, waxaana jiray dhowr arrimood oo aan u damqinaya qalbiga aadanaha.

Socdaalkayaga oo ka bilwoday magaalada Garowe, waxaana degmada Dangoroyo kusii marnay Abbe Somaliyeed oo muddo ka badan 3 sano ku jiray Hayaanka, balse xilligaan aragnay, wuxuu muddo 24 saac ah go'doon ku ahaa degmadaas kadib markii uu la xumaaday gaarigii ay wateen.

Wuxuu noo sheegay inuu xilligaas ka yimid deegaanka Widh-Widh ee gobolka Sool isagoo reerkiisa iyo xoolo wixii ifka u joogay oo ku sheegay 200 boqol kusoo raray gaari noociisu yahay Sabaax cimrigiisu gabo-gabo ku dhwoyahay. Balse markii dambe waxaa u gurmaday dadka deegaankaas oo gaarsiiyay goobtii uu usocday.

Abaahaas oo da'diisu kor u dhaafaysay 80-sano ma jirin cid caawinaysay marka laga yimaado wiil yar oo xarraase ka ahaa Ariga, waxaana mudadii uu gaarigu ku cilladaysnaa halkaas ku bakhtiyey 10 neef.

Dhacdada kale ee aan aragnay mudada aan safarka ahayn, waxay ahayd Carruur iyo haween gaari kula xumaaday wadada dhex-deeda, waxaana  Ilamaha ugu yari jiray ku dhawaan 1 Hal sano, muddo 24 saac ka badan ma aysan cunin wax cunto iyo biyo ah, goobta ay joogeen waxay ahayd meel aysan ka heli karin wax ka kaafiya baahidooda.

MAXAA UGU DARAN DHINACA NOLOSHA OO AYSAN HAYSAN?

Mudadii aan safarka ahayn, waxaan marnay degsiimooyin badan oo ay ku suganyihiin qoysas soo hayaamay, waxaana markasta su'aalaynay baahidooda iyo waxa haystaan, marar badan kala duwan waxaa dhacday inaan aragno reer guuraa tiro badan oo aan haysan waxay quutaan, kuwo harraad u il daran iyo qayb hu' la'aan haysato.

Cuntada ayaa sidoo kale ah baahi weyn oo ka jirta goobaha qoysaskaasi tageen, waxayna noo sheegeen inaysan haysan lacag ah wax ku iibsadaan iyo cid ay dayn ka raadsadaan maadaama ay yimaadeen deegaan iyo dad aysan horay u aqoon.

Caafimaadka; goobaha dadka isugu tageen waxaa qaybtood ka dillaacay cudurro kala duwan kuwaasoo haleelay dadka iyo duunyada, waxayna cod dheer ku sheegeen inay u baahanyihiin dawo iyo dhaqaatiir la tacaala arrinta iyo dhaliil u jeediyay dowladda gaar ahaan wasaaradaha Xannaanada xoolaha iyo tan caafimaadka Puntland.

MA JIRTAA CID WAX U QABATAY DADKAAS?

Muddo ku dhow Bil oo dadkaas kusii socdeen deegaanada Roobku ka da'ay ma jirto tallaabo ay qaatay dowladda Puntland marka laga yimaado maamulka Bayla oo sameeyay qaylo dhaan aan lagasoo jawaabin, wuxuuna mar uu la hadlay Warbaahinta sheegay inay fashilmeen saddexda hay'adood ee kala ah; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Amniga, Caafimaadka iyo Xannaanada xoolaha, kuwaasoo ku sifeeyay inay noqdeen Fadhiid.

Laakiin waxaa aad u dadaalay dadka reer Bayla iyo kuwa deegaanka Dhuudo, kuwaasoo dadka soo hayaamay ku hagayay waddooyinka islamarkaana kaalmooyin kale la gaarayey.

Hay'adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC, Guddoomiyihii hore gobolka Mudug iyo kooxdii wariyaasha ahaa, ayaa degmada Bayla ka sameeyay wacyigalin ku aadan sidii wax loo gaarsiin lahaa dadkaas oo xaaladoodu aad u adagtahay, waxaana qorshahaas ka dhashay in dadka deegaanku iska dhex ururshaan Raashin, Biyo iyo Dhar kuwaasoo la gaarsiiyay reer guuraaga qaybtood.

Dhinaca kale Hay'adda SaveThe Children, ayaa goobtaas ka howlgalisay kooxo ka shaqeeya caafimaadka iyadoo sidoo kale ku deeqay Biyo.

BAAQOODU MUXUU AHAA?

Dhammaan dadkaas ayaa si midaysan u codsanayay inay usoo gurmadaan walaalahooda Somaliyeed iyagoo sidoo kale dowladda ka dalbaday inay buuxiso kaalintii loo igmaday, waxana xuseen in lagu leeyahay lacago tiro badan kuwaasoo aysan iska bixin karin, balse rajadoodu ku xirantahay duunyada ay soo naq raaciyeen.

NB:- Warsidaha GO, ayaa dhawaan idiin soo gudbin doona Muqaal ka hadlaya dhibka halkaas ka jira anagoo waraysiyo lasoo yeelanay dadka deegaanka, reer Guuraaga iyo xubno kamid ah maamulka degmada Bandar-bayla.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM