WARBIXIN: Xaalada ciidanka sirdoonka Puntland iyo halista Amniga ee jirta

Image

GAROWE- Ciidamada sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Agency 'PIA') oo xarun ku leh magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa shaqadooda loo igmadey  waxay tahay guud ahaan ka hortaga helista kooxaha argagixisida, qabashada xubnaha ka tirsan ururadaan iyo ka hortaga weerarada kooxahaan.

Ciidamada PIA  oo tiradooda tahay 120-150 Askari ayaa waxaa horey tababaro iyo taageero dhaqaale u siin jiray Dowlada Maraykanka laakin taageeradaasi ayaa joogsatay 2012-kii. Saraakiisha Dowlada Mareykanka ayaa ku sababeeyey joojinta tageerada ciidamada PIA kadib markii la dhimey misaaniyadii ku bixi jirtey ciidamadaas balse weli tageeri doonaan ciidamo kuwaan lamid ah ee ka jira magalaada Muqdishu.

Intaa ka dib ciidanka PIA waxaa taageero dhaqaale u fidiyey Dowlada Imaaraadka iyadoo arrintaasi ay kasoo shaqeesay Xukuumadii hore ee Dr Farole.

Hasa yeeshee, taageeradii ay fidin jirtay Dowlada Imaaraadka ayaa la joojiyay March 2016-kii, iyadoo ciidamadu aysan wax mushaar ah qaadan afartii bilood ee u danbaysay.

Ciidamadaan oo sida warsidaha Garowe online fahansan yahay kharashka mushaharkooda bilaha uu yahay lacag aan kor u dhaafin 100,000 USD ayaa Madaxweyne Gaas waxaa uu kaalmo dhaqaale dib u waydiisatey Dowlada Mareykanka balse waxaa lagu xirey in isbadal lagu sameeyo ciidankaas. .

Halkee maraysaa xaalada ciidanka PIA?

Hadaba warbaahinta madax banaan ee Garowe Online oo kuur gashay raadinta xaqiiqda dhabta ah ee xaalada ciidanka PIA ayaa warar lagu kalsoonyahay u sheegeen in isbedelo lagu wado ciidamada PIA ee fadhigoodu yahay Garowe.

Ciidanka PIA oo howlo amni sugid ah qaarkood u joogay magaalada Galkacyo tan iyo July 2016-kii ayaa labo (2) askari kaga  geeryoodeen qaraxyadii Galkacyo 21 August 2016 halka lix (6) askari kalena ku dhaawacmeen.

Waxaa intaasi dheer in isbedelada ay wadaan maamulka PIA iyo Saraakiisha Maraykanka ah ay ku heshiiyeen in 30-askari kaliya laga soo reebo ciidanka PIA inta kalena la ruqseeyo. Waxaa xusid mudan in 10 ka mid ah ciidankaas ay yihiin ilaalada gaarka ah ee Agaasimaha PIA halka 20 kale noqonayaan ilaalada xarunta PIA.

Halista amniga

Guud ahaan gobollada Puntland waxaa la soo darsaday xaalado amni iyadoo ay arrintaas Xukumada Puntland ka gaabisay wax ka qabadka iyo xalinta arrimaha amniga.

Dhanka beelaha, waxaa jira beelo hubaysan oo khalkhal geliyay amaanka guud ee Gobolka Bari arrintaas oo ay Xukumadu ku xalin karto wadahadal iyo isafgarad.

Dhanka Somaliland waxaa muuqata in ciidamada Somaliland ay kusoo durkeen deegaamo cusub oo ka tirsan Puntland xukuumadana Madaxweyne Gaas-na wax jawaab ah ama warbixin kama dhiibin dhaqdhaqaaqyadaasi.

Dhanka ciidanka PIA, waxaa hubaal ah in ciidamo wada dhisnaa qaarnaa mushaar loo qoro qaarna la ruqseeyo arrintaasna waxay u dhigantaa in la abuurayo jawi amnidarro iyadoo aan ogsoonnahay in ciidamadu ay gadood ama falal amniga ka dhanka ah ku dhaqaaqi karaan.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa GO u sheegay in Xukumada Puntland ay ka gaabisay guud ahaan nidaaminta hey'adaha amniga iyo sidoo kale inay wadahadal miro dhala la yeelato saraakisha Maraykanka ah si loo hubiyo in ciidanka PIA ay sii jiraan iyagoo dhamaystiran oo la kala qeybin.

Dowlada Mareykanka oo lacag farabadan ku bixisa howlaha la dagaalanka argagixisada Somalia ayaa ka gaabisay iney si buuxda gacan ugu gaysato dhismaha hay'adaha sirdoonka amniga Puntland 18 sano ee maamulkaas dhisnaa.

Puntland oo ku fadhida dhul balaaran islamarkaana ku dhacda 13500km oo ka tirsan Badweynta Hinyada iyo Badda Cas ayaa muhiim u ah amniga Somalia halkasoo argagixisada caalamka damacsan yihiin iney ka dhigataan xarumo.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM