QM oo madaxweynaha Puntland ku eedeysay musuqmaasuq

Image

22 October,2015 ( GO)- Warbixin hay’ada Qaramada midoobey u qabislan la socodka arrimaha Somalia iyo Eritrea soo saartey [SMEG] 20 October,2015 ayaa ku eedeysay Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas inuu ku guuldareystey dhameystirka dagaalka lagula jiro Al-Shabaab halka uu indhaha ka qarsadey iibinta shatiyada kaluumeysiga sharci darada ah.

Baarayaasha Qaramada Midoobey ayaa wel-wel ka muujiyey maleeshiyaadka Al-shabaab ee kasoo baxsanaya dagaalada kaga socda Koonfurta Somalia kuwasoo u haajiraya degaanada Puntland.

Al-Shabaab-ta ku dhuumaaleysaneysa qaybo ka tirsan buuraleyda Golis ayaa waxaa ku biiraya maleeshiyaad cusub kuwasoo xiriir la furaya Al-Qacadida fadhigeedu yahay wadanka Yamen.

Warbixinta ayaa xustey in amaanka degaanada Puntland aan la isku haleyn karin madaama si joogta ah dib u dhac ba’an iyo mushahar la’aan u haysato ciidamadeeda amaanka.

“ Xil ka qaadistii uu ku sameeyey Feb 2015 madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, Labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada amniga, kuwasoo uu ku jiro madaxii ciidamada sirdoonka Puntland, ayaa waxey abuurtey kala fogaansho ba’an oo u dhexeysa madaxweynaha iyo ciidamdiisa.” sidaas waxaa lagu qorey warbixinta QM.

Xeel dheerayaashaan ayaa tilmaamey hubka qarsoodiga ah ee laga soo galinayo Puntland dalka Yemen kasoo khatar ku ah in kooxaha xagjirka ah gacanta ku dhigaan gantaalada lagu toogto diyaaradaha.

Musuq-maasuqa la xiriira iibinta ruqsadaha kaluumeysiga

Hogaanka Puntland iyo dowlada Federaalka waxey si fog luqunta ugala jiraan iibinta fasaxyada kalumeysiga sharci darada ah kuwasoo la siinayo maraakiib shisheeye. Markiibtaan ayaa kaluunka ka guranaya xeyndaanka loo yaqaano “ Economic Zone”.

Saraakiil ka tirsan maamulka madaxweyne Gaas ayaa la rumeysan yahay iney iibiyaan ruqsadaha kaluumeysiga iyagoo dhaqaale sharci daro ah oo  deg deg raadinaya ayaa warbixntaan qortey.

Shabakad dulaaley ah oo ku sugan Dubai “UAE” ayaa suurtagalisay in maraakiibta jilaabta kaluunka sharci darada ah helaan kaluun qiimo badan ku fadhiya.

Dhinaca kale doonyaha Iraaniyiinta ayaa ruqsada ka kaluumeysiga sharci darada ee Puntland ka iibsata suuqa dibada kuwasoo adeegsada nin magaciisa QM ku soo koobtey Cabdulqaadir.

Inta u dhexeysay bilihii August iyo September saraakiisha Puntland waxey ku guuldareysteen iney ka jawabaan su’aalo Ilaaliyaasha QM waydiyeen kuwasoo la xiriira markiib la siiyey ruqsado kaluumeysi.

Xukuumada Puntland ayaa ruqsad ay ku shaqeeyaan siisey March 2015 shirked la yirahado Somali Security Service Ltd (SSS Ltd), oo uu leeyahay Cabdiweli Cali Taar kasoo QM ku tilmaameen inuu darewal Taxi ka haan jirey Canada islamarkaana qaraabo dhow yihiin madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas. Taar ayaa warbixintaan sheegtey in la siiyey ruqsad uu ku ilaaliyo xeebaha Puntland.

Warbixinta QM ayaa lugta u surtey Cabdiweli Cali Taar musuqmaasuq la xiriira inuu iibinayo fasaxyo kaluumeysi oo sharci daro ah.

Cabdiweli ayaa lagu tilmaamey inuu ahaan jirey milkiilaha shirkad musalaftey oo la oran jirey SomCan sanadihii 2000.

“SomCan waxay sababtey dagaal ay qadaan kaluumeysatadu, taasoo gacan wayn ka gaysatey bilowgii burcad badeednimada Somalia. Shaqada shirkadaan ayaa dhamaatey kadib markii ciidamadeeda badda afduubeen markab kaluumeysi oo ay ilaalinayeen, markabkaas oo la oran jirey Sirichainava 12 ayaa waxaa laga dalbadey madax furasho gaareysa USD 800,000.” ayaa warbixinta QM lagu xusey.

Ilaaliyaasha Qaramada Midoobey ayaa odorasey in shirkada SSS Ltd ka iibin doonto ruqsado kale oo sharci daro ah macaamiil ajaanib ah tasoo abuuri doonta  isku-dhacyo dhexmara kaluumeysatada Puntland iyo maraakiibtaas, arintaasoo horey u dhacdey 2007.

Warbixinta Qaramada midoobey ayaa dhinaca kale ka hadashey khatarta ay leedahay isku dhacyo dhexmara maamulka Puntland iyo Gamudug kuwasoo la xiriira heshiisyada shidaalka ay QM ku tilmaameen iney maqan tahay nidaamkii dastuuriga ahaa ee lagu qaybsan khayraadka dalka.

Warbixintaan ayaa golaha amaanka QM u soo jeedisay in hakad la galiyo heshiiyada shidaalka ee maamulada Somalia iyo dowlada Federaalka siinayaan shirkadaha shisheeye inta la helayo sharci lagu qaybinayo khayraadka dalkaas.

Madaxda maamulada, dowlada Federalka iyo shirkadaha haysta ruqsadahaas ayaa ka biyo diideey codsiga ilaalilyaasha QM u qaabilsan arrimaha Somalia iyo Eriteria.

Halkaan ka akhri warbixinta QM

Xuquuqda tarjumada Garowe Online kala soo xiriir hadaad rabtid inaad dib u daabacdid ama adeegsatid qoraalkaan email: contact@garoweonline.com

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM