WAREYSI: Axmad Barre iyo Axmad Abshir Bakuuke oo la hadlay Garowe online [DAAWO]

Image
Image

GAROWE - Iyadoo dhowaan la filayo iney dhacdo doorashada duqa degmada Garowe ayaa warsidaha Garowe Online waxaa uu warysiyo kooban ka qaadey labada musharax ee ugu cad cad tartankaan, Axmad Xasan Barre iyo Axmad Abshir Jaamac 'Bakuuke" kuwasoo ka hadlay barnaamijkooda siyaasadeed iyo khibradda ay u leeyihiin xilkaan.

Wariyaha warsidaha Garowe Online oo ku hormarey Axmad Barre ayaa waydiiyey: Madaama u tartamayso xilka Duqa degmada Garowe maxaa is-oran kartaa waa kaga duwan yahay ragii kaaga horeeyey xilkaan? 

Axmad Barre: Waxaan kaga duwanahay dhowr arimood, waxaan khibrad u leeyahay maamulka dowliga ah, waxaan ku takhasusey maadada la yiraahdo Public Adminstraion oo aan Master ku haysto, waxaan kaloo muddo dheer aan ka tirsanaa Barlamanka Puntland, waxaan aad u aqaanaa shuruucda iyo xeerarka dalku leeyahay iyo maamulka dowliga ah iyo qaabka uu u dhisan yahay, sida misaaniydaha loo diyaariyo iyo Budget-ka, marka waxaan is leeyahay khibrad iyo aqoon baan kaga duwanaan doonaa ragii uga horeeyey.

 

Garowe Online: Magaalo madaxda Puntland ee Garowe waxaa lasoo gudboonaadey dhibaatooyin dhaqaale iyo amni xumo sababta ugu weyna waxaa weeye lacagtii Curaarta dowlada dhexe ay siin jirtey magaaladaan oo la jarey muddooyinkaan dambe, sidee ku soo celineysa hadii lagu doorto, misaaniyadaas maqan?

Axmad Barre: Lacagta Curaartu ma aha lacagta kaliya ay dowlada hoose ku shaqeyso, lacagta curaarta ah waa lacag dowlada dhexe u qoondeysay in caasimada amnigeeda iyo bilicdeeda lagaga shaqeeyo, xiriir wanaagsan ayaan waxaan leenahay madaxda, insha alah tacalaa waan daba gali doonaa dowlada waxaan ka codsanayaa in lacagtaas soo celiso, laakiin waxaa asal ah in la kobciyo lacagta caasimada gudaheeda laga abuuri karo sida cashuuraha dhulka, canshuuraha laga qaado adeegyada kale ee magaalada, shatiyada ganacsiga, waxaan jeclahay cashuurta laga abuuro gudaha magaalada iney noqoto mid kaafida baahida inteeda badan, dowlada dhexana anigoo ka faa'ideysanaya xiriirka wanaagsan aan la leeyahay in aan heli doono qaybteeda Insha Alah.

Garowe Online: Degmada Garowe iyo golaheeda degaanka waxaa lagu eedeeyaa la isla xisaabtan la'aan iyo musuqmaasuq baahsan, hadii lagu doorto sidee u xalineysaa arinkaan?

Axmad Barre: Golaha degaanka waxaa uu ku yimaadaa Hab Beeleed oo degaanka ayaa laga soo xulaa, waana nidaamka uu ku yimid isagaa la rabaa in la aqbalo oo lala shaqeeyo, inta laga gaarayo in qof walba codkiisa dhiibanayo oo dadku soo xusho qofkii iyaga matali lahaa, insha Alah taas waan u weel qaadeynaa oo waxaan fileynaa cidda dambe shacbku dooran doonaan, Garowe doorasho waa ka dhici kartaa dadkuu waa doraan karaan cidda ay rabaan, laakiin isla-xisaabtanku waan bilabeynaa , waxaana uu ka bilaamayaa madaxa kore 'Anniga' hadaan anigu dadka la xisaabtamo, hadaan annigu xoolaha wax qaadaneyn, hadii aan eex ka sameyneyn, waxaan filayaa inta kale ama gole degaan ha noqoto ama shaqaale way ku qancayaan. Kor ayaa nadiifnimadu ka bilaabataa kadibna hoos ayey u dageysaa Insha Alah.

Garowe Online: Waxaa tahay siyaasi hore oo ka tirsanaan jirey Barlamanka, warar ayaa jira sheegaya in Axamad Barre uusan ka socon shacabka balse uu ku xiran yahay siyaasiyiin kale, maxaa kaga jawaabeysaa arinkaas?

Axmad Barre: Annigu qorshaheyga hadeer waxaa uu ku wajahan yahay dowlada hoose, waxaan rabaa magaalada Garowe in aan u dajiyo nidaam oo qof wlaba yimaadaa wadi karo, nidamkaas oo isla xisaabtan leh, cadaalad leh oo wadatashi ku dhisan kaas ayaan dajinayaa, wax kale oo hadda ka duwan oo qorshe ah ee i dagsan ma jiro.


Musharax Axamad Abshir Jaamac " Bakuuke" oo sidoo kale la hadlay Garowe Online ayaa waxaan weydiiney su'aashii ugu horeysay: Waxaad tahay nin dhalinyaro ah oo u tartamaya xilka duqa magaalada, maxaad is leedahay waad kaga duwan tahay musharaxiinta kale iyo xubnihii kaaga horeeyey xilkaan?

Bakuuke: Waxaan aamnisanahay 12 Gudoomiye ee aniga iga horeeyey iney ahaayeen rag wax badan soo qabtey oo meesha Garowe maanta mareyso keeney, anigu waxaan qabaa hadii Ilaah Idmi on aan ka sii wadayo meeshii ay kaga tageen, aana taaba galinayo waxqabad balaaran, balse waxaan kaga duwanahay in aan ahay Axamad bakuuke nin dhalinyaro ah xirfad aqooneed oo fiican leh awoodna u leh inuu maamulo degmada Garowe.

Garowe online: Garowe waxaa ka jira dhibaatooyin dhaqaale, amni xumo iyo dowladii hoose aan shaqdii sida la rabo u qaban, maxaa is leedahay waad qaban kartaa caqabadahaas?

Bakuuke: Dowlada hoose iyo dowladda dhexe mar walba waxaa ka dhexeeya wada shaqeyn, anigu waxaan dar-dar galinayaa wada-shaqeyntaas, waxaana raadinayaa xuquuqda dowlada hoose kaga maqan dowlada dhexe, sidoo kale dhibaatooyinka ka jira Garowe, waxaa jiri doona nidaam iyo siyaasad aan u dajineyno sidaan ku xalin lahaa dhibaatooyinkaas, anigoo qaba iney wax badan ka tari doonto dhibatooyinka taagan.

Garowe Online: Waxyar oo kooban nooga sheeg Taariikh nololeedkaagii? 

Bakuuke: Axmad Abshir waa nin ku dhashey Garowe, ku barbaarey Garowe, waxbarashadiisii heerarkii kala duwaan heer asaasi ah, dugsi sare iyo mid Jaamacadeed ku qaatey Garowe ahna dadka ay damqineyso dareen mas'uuliyadeed ay galineyso caqabadaha ka jira Garowe, waxaan ahay nin u soo tafaxeytey inuu wax ka qabto caqabadahaas.

Doorasha duqa magaalada Garowe ayaa la filayaa iney dhacdo asbuuca soo socda bartamihiisa iyadoo dib u dhac ku yimid kadib markii beelaha qaar aysan soo xulan xubnihii uga mid noqon lahaa golaha degaanka.

Madaxweyne Gaas ayaa inta uu xilka Puntland hayey hoos dhac iyo habacsanaan balaaran ku timid nidaamkii shaqo ee golayaasha degmooyinka Puntland ayaa waxaa uu si joogta ah u kala diraa golayashaan isagoo xal ugaga dhiga dhibaatooyinka jira. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM