Maxaa looga hadley Kulamadii Keating ee Garoowe? [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Kadib markii Garowe Online wararkiisa hore ku shaaciyey Halkaan ka akhri maanta kulamo ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya kulamo la qaadanayey qaar ka tirsan Issimada Puntland iyo xubno siyaasiyiin ah oo  u sharaxan Doorashada Puntland ayaa warsidahaan waxaa uu heley xog la xiriirta qodobadii laga hadlay.

Keating oo la kulmay odey dhaqameedka ayaa wararka aan heleyno waxay ugu sheegeen mowqifkooda ku aadan colaada Tukaraq iyagoo xusey iney Nabada rabaan balse ka horeyso in Somaliland ka baxdo degaanada Sool kuna noqoto xuduudyada lagu yaqaano beelaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka tirsan Issimada Caro kaga baxeen shirka gaar ahaan Garaad Saleebaan oo kasoo jeeda beelaha daga gobolka Sool.

Keating oo dhinaca kale kula la qaatey qayb ka tirsan musharaxiinta xilka Madaxweynaha Doorashada Puntland ayaan sida aan ku heleyno xog lagu kalsoon yahay u dhiibey mowqifkooda ku aadan dagaalka Tukaraq.

” Waxaan u dhiibney qoraal aan horey uga soo saarney mowqifkeena ku aadan colaada Tukaraq, kasoo ahaa in Madaxweyne Biixi mas’uuliyada dagaalkaan leeyahay, balse qabaan in xal nabadeed laga gaaro coladaan iyadoo tixgalinta weyn la siinayo dadka degan degaanadaas lana waydiinayo aayahooda.” sidaas  waxaa Garowe Online u sheegey mid kamid ah siyasiyiintaan oo kula hadlay khadka taleefanka.

Dhinaca kale Siyaasiyiintaan ayaa kala hadlay Keating in sida ka soo baxdey kulankii Brussels Doorashada Puntland tahay in waqtigeeda la qabto qodobkaas oo uu horey uga dhawaajiyey Madaxweyne Gaas balse ay dhiman yihiin talaabooyin muhiim ah kuwasoo kala ah; Barlamanka oo Kalfadhiga inta uusan dhamaan soo saara waraaq lifaaq ah taasoo la wafaajnayo Dastuurka Puntland nooca doorasho ee la galayo iyo in Gaas magacaabo gudigii Doorashada.

Dhinaca kale Keating oo la hadlay siyaasiyiintaan ayaa u sheegey in mowqif-yada dagaalka Tukaraq xubanaha uu la kulmay iyo Madaxweynaha isku mid yihiin kuwasoo saldhiga ugu dhigey in dadka degaanada Sool aayahooda ka arinsadaan.

Keating ayaa dhinaca kale xusey in Qaramada Midoobey weli ku taagan tahay fulinta Afartii qodob ay madaxda labada maamul horey isula gareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM

Ciidamada Badda Puntland oo “ka hortagay” qorsheyaal abaabulan

Ciidanka ayaa si adag u dardargeliyey sugidda Amniga xeebaha Badweynta Hindiya ee Puntland.

  • Puntland

    15-04-2024

  • 05:29AM