​Wasiir Juxa oo ka qayb galay buug lagusoo bandhigay Garowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa xalay xarunta Cilmi Baarista Puntland ee PDRC lagusoo bandhigay Buug loogu magac daray AFKA HOOYO WAA HODAN, oo uu qoray Maxamed Baashe oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland kasoo socdaal dalxiis ku joogay todobaadkan deegaanada Puntland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dib u hishiisiinta dowladda Federaalka Somalia, Aqoonyahano, mas’uuliyiinta iyo dadweyne u badnaa dhalinyaro, ayaa soo xaadiray madasha lagusoo bandhigayay buugan.

Qaar kamid ah asxaabta Qoraaga oo ka hadlayay taariikhdiisa ayaa ku sifeeyay shakhsi ay ku weyntahay ilaalinta dhaqanka iyo afka umadda Somaliyeed.

Maxamed Baashe oo ah sidoo kale Agaasimaha Telefishinka Star sidoo kale ay Saaxiib dhow yihiin wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia, ayaa sheegay in ujeedka uu Garowe u yimid tahay mid ku salaysan waynaynta dhaqanka, sidoo kale ay tahay booqashada saxiibkiis Juxa, isagoo ka digay tallaabadan loo macneeyay mid siyaasadeed.

Wuxuu intaas ku daray inay wada noolaayeen, saaxiib ahaayeen waqtiyo badan iyagoo kala taabacsan maamullo kala duwan, isagoo xiriirkooda ku macneeyay mid aan sinaba u kala jarmi karin.

Agaasimaha hay’adda PDRC Cali Faarax, ayaa isna ballan qaaday inay ka shaqayn doonaan sidii barnaamijkan u noqon lahaa mid laga faa’iidaysto mustaqbalka maadama lagusoo bandhigay waxyaabo badan aad u muhiimsanaa.

Wasiir Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ka hadlayay saaxiibtinimada dheer ee kala dhaxaysa Maxamed Baashe, ayaa  yiri, “Runtii way ka weyntahay mid lagusoo koobi karo hadal, Maxamed Baashe waxaa nahay labo qof oo aad isugu dhow, Jid ayaan isla marnay, Jabad ayaan isla dagnay, Jidiin ayaan isla cunay, Jabhadna waan wada noqonay.”

Qaar kamid ah abwaanadii madashada lagu casuumay oo kamid ahaa Shube, ayaa soo bandhigay tixo kala duwan oo ka hadlayay nabada iyo hormarka dalka Somalia kuwaasoo xambaarsanaa fariin ah in waxaa lawada leeyahay ay ka badantahay arrimaha lakala leeyahay ee inta badan muranka Somalia ku salaysanyahay.

Qoraagan oo kasoo jeeda deegaanada Puntland, ayaa dhawaan dalxiis loo geeyay degmada Eyl ee gobolka Nugal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM