Wasiir ka tirsanaa dowladda Puntland oo u geeriyooday Coronavirus

Image

GAROWE, Puntland – Wasiiru dowladihii Madaxtooyadda dowladda Puntland, Maxamed Xasan Ciise, ayaa saaka wuxuu u geeriyooday safmareenka Coronavirus, sidda ay xaqiijiyeen xubnaha ehelkiisa.

Sidda laga soo xigtay qoyskiisa, marxuumka oo tegay xaas iyo caruur ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa lagu arkay astaamo ay kamid yihiin; qandho badan iyo naqaska oo ku dhegaya.

Iyadoo qorshuhu ahaa in maanta loosoo qaado caasimadda dalka ee Muqdisho si loogu daaweeyo, isbitaalka Qaran ayuu ku jiray saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, halkaasoo lagu daaweynayey.

Maxame Xasan Ciise oo horey uga soo shaqeeyay arrimaha samafalka ayaa siyaasadda wuxuu kusoo biiray sanadkii 2019-kii.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash, madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda.

"Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladda Puntland-ba ayaa ka tacsiyeeyey Geeriga Alle ha u naxariistee Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland Marxuum Maxamed Xasan Ciise oo saaka ku geeriyoodey caasimadda Garoowe," ayaa lagu yiri.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, Golaha Xukuumadda, shaqaalaha Madaxtooyada, ehelkii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay uga tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Marxuum Maxamed Xasan Ciise. Madaxweynuhu, waxa uu Alle "SWC" uga baryey marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, kuna abaal-mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Puntland iyo ehelkiisiiba".

Bishii May 25-keeda sanadkan ayay ahayd markii Ismaaciil Ga’madiid, wasiirkii beeraha iyo degaanka Puntland, oo u dhintay cudurkan.

Marxuumka ayaa saacadihii u dambeysay ee noloshiisa wuxuu ku qaatay magaala madaxda Muqdisho, oo xaalad caafimaad loo geeyay.

Wasaaradda Caafimaadka maamulka ugu da’da weyn federaalka Soomaaliya oo horey u xaqiijisay mas'uuliyiin dowladeed oo xanuunka laga helay ayaa dadka kula talisay feejignaan iyo taxadar dheeraad ah.

Kiisaska fayruskan asal ahaan kasoo bilowday bartamaha Shiinaha ee laga diiwaan-geliyey gudaha Soomaaliya ayaa maraya 3,522, halka soo kabashadda ay ka badan tahay kuna, geeriduna tahay 93.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM