Wasiir katirsanaa dawladda Puntland oo Muqdisho ku geeriyoodey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir katirsanaa Xukuumadda Puntland ayaa saacadihii hore ee maanta oo Isniin ah ku geeriyoodey magaaladda Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dawladda.

Ismaaciil Diiriye Gama'diid, oo ahaa wasiirka Beeraha, Deegaanka iyo Cimiladda ee dawladda Puntland ayaa u dhintay caabuqa Coronavirus [COVID-19], oo laga helay bishii May isaga iyo wasiiro kale oo xukuumadda Madaxweyne Deni kamid ah.

Todobaadkii tagey ayaa wasiirka loo soo qaadey Muqdisho, oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay tan iyo xilligaas.

Wasaaradda Beeraha, Deegaanka iyo Cimiladda ayaa ku xaqiijisay geerida wasiirka Gama'diid qoraal ay soo dhigtay maanta barta ay ku leedahay Facebook, waxaana la filayaa in meydka marxuumka loo qaado Garowe si loogu aaso.

Madaxweyne Deni ayaa ka tacsiyeeyay geeridda Wasiirka, isagoo ku tilmaamay inuu kamid ahaa xubnaha ugu firfircoon ee gollaha wasiiradda Puntland, isagoo qabtay shaqo wanaagsan mudadii uu noolaa ee uu xilka hayay.

Waa mas'uulkii ugu sareeyay oo katirsan Puntland oo u geeriyooda xanuunka COVID-19 oo ku dhacay dad gaaraya 163 qof oo wasiiro ay kamid yihiin guud ahaan degaanada dawlada goboleedka.

Guud ahaan dalka Soomaaliya, waxa uu cudurka ku dhacay 1,594 qof, waxaana u dhintay 61 bukaan ah, oo intooda badan ku noolaa magaalada Muqdisho iyo gobollada ku dhaw.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM