Wasiirka Amniga Puntland oo ka hadlay xaaladda Boosaso [Dhagayso]

Image

BOOSAASO, Puntland- Wasiirka Amniga Puntland, Axmed Cabdullaahi Yuusuf Dowlad oo warbaahinta shir jaraa'id ugu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa ka hadlay dedaalada lagu bad-baadinayo doon ku caariday xarunta ganacsiga iyo weeraradii ugu dambeeyay ee dhawaan ka dhacay Boosaso.

Dowalad oo hadalkan sheegay xilli uu booqasho ku tagay isaga iyo mas'uuliyiin uu kamid yahay Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland dekedda magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in shacabka Boosaso muujiyeen dedaal dheeraad ah iyo karti ay ku awoodeen inay kusoo bad-baadiyaan hanti tiro badan.

Wuxuu sheegay inuu doonayo sidii uu shacabka Boosaaso ugala hadli lahaa amniga, isagoo tilmaamay inay jiraan cadow badan oo ka faa'iidaysan kara dal-dalooda jira.

"Waad ogsoontihiin, waxaa jira cadow badan oo aynu leenahay, cadowgeenu waa badanyahay, ha noqdo inay meel walba furimo inooga sameeyaan, dhinacyo badan waxaan kaga bixi karnaa inagoo wada-shaqayna, laamaha amniga la shaqayna noqona mid, taas ayaan kaga guulaysan karnaa," ayuu yiri wasiir Dowlad oo kamid ah wafdi gaaray magaalada Boosaaso.

Wasiirka ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay sida uu u arko tallaabadii shaqada looga joojiyay Taliyihii qaybta Booliiska gobolka Bari, wuxuuna ku jawaabay, "Arrimaha aan u socono ayay kamid tahay oo aan rabno inaan baaritaan ku samayno, ma doonayo hadda inaan Warbaahinta ka sheego."

Dhinaca kale, wasiirka ayaa wax laga weydiiyay weerarada kooxaha nabad-diidka ah ka fuliyaan magaalada Boosaaso oo ay ugu dambaysay kii lagu qaaday Saldhiga Booliiska, wuxuuna sheegay inay gaari doonaan heer kooxahaas laga guulaysto.

"Magaalada waa dagantahay soo maaha, si nabad ah baad ku martaa soo maaha, waxa weeye, Eeg adduunka falalkaan oo kale wax ka jira weeye, waa cudur kusoo kordhay dunida inteeda kale gooni inaguma ah, anaguna ma hurudno oo habeen iyo maalin dagaalka waan ku jirnaa, way dhici kartaa in ninka argagixisada ah fal amni darro sameeyo, ninkaasi waa inuu mar kaliya guulaystaa, inaga Laakiin boqolkiiba boqol inaan guulaysano waaye habeen iyo Maalin," sidaas waxaa yiri Wasiir dowlad.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli muddo dowladda iyo laamaha amniga Puntland ay ka aamusnaayeen arrinta magaalada Boosaaso taasoo ay ugu wacantahay duruufo ay ku shaqeeyaan hay'adaha dowladda gaar ahaan wasaaradda amniga oo muddooyinkii dambe noqotay fadhiid. Halkan ka Akhriso

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM