Wasiirka amniga Puntland oo su'aalo kulul la weydiiyey

Image

December 28, 2014 (GO)- Su'aalo kulul ayaa maanta madaxda wasaarada amniga Puntland lagu weydiiyey kulanka la xisaabtanka xukuumada ee maalintii labaad magaalada Garowe ka soconaya.

Madaxweyne Gaas ayaa wasiirka amniga weydiiyey su'aal ahayd "Boocame, Badhan iyo Buuhoodle maxaad ugu dari weydeen qorshihiina, miyeysan Puntland ka tirsaneyn?

Wasiirka amniga Xasan Cismaan Alloore oo taas ka jawaabayey wuxuu sheegay, in sababta degmooyinkaas qorshaha loogu dari waayey salka ku hayso maadaama mashaariicda hay'adda UNDP dhaqaalahooda bixiso meelaha qaar ku kooban yihiin.

Gaas oo hadalkaas sii daba socda ayaa ku canaantay wasaarada amniga in qorshaheedu ahayn mid ka turjumaya balan qaadkii horay dowladu u sameysey ee ahaa in dhammaan deegaanada si siman loogu adeego. 

Madaxweynuhu wuxuu kula taliyey madaxda wasaarada amniga inay dib ugu noqdaan qorshahooda ku aadan sanadka 2015, isagoo xusay inaysan khasab ahayn in adeegyada dowlada lagu xiro baaxadda dhaqaalaha dowladu ka hesho hay'adaha gaar ahaan UNDP.

Dhanka kale, mas'uul ka tirsan golaha wasiirada ayaa wasiirka amniga weydiiyey sababta loo dhaqan gelin la'yahay ilaa iyo hadda amarkii horay wasaarada amnigu usoo saartey ee ahaa in la joojiyey bacaha madow ee lagu dhejio muraayadaha gaadiidka.

Wasiir Alloore wuu beeniyey in arintaas wax ka jiraan isagoo xusay in amarkaasi dhaqan galay, haseyeeshee Madaxweynaha oo tixraacayey hadalka wasiirka ayaa sheegay in amarkaasi si fiican u dhaqan geli karin inta gaadiidka mas'uuliyiinta dowladu bacaha madow adeegsanayaan.

Si bulshadu ugu dhiirato joojinta bacaha madow,  wuxuu Cabdiweli Gaas ku taliyey in fiiqista bacaha madow gaadiidak dowlada laga bilaabo.

Qorshaha wasaarada amniga Puntland ee 2015 waxaa ku jirey in sanadka soo socda 99% argagixisada laga ciribtiri doono deegaanada Puntland 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM