Wasiirka Ganacsiga oo iclaamiyay doorashada Rugta ganacsiga PL

Image

Sept 9, 2014 (Garowe Online)- Wasiirka Ganacsiga Puntland Maxamuud Xasan Soo-cadde ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqay inuu kala diray madaxda ugu saraysa Rugta Ganacsiga Puntland.

Arrintan ayuu kaga hadlay waraysi gaar ah uu Soocadde siiyay Radio Garowe wuxuuna sheegay in masuuliyiinta hadda jooga xafiiska uu waqtigoodii dhamaaday sanadkii hore islamarkasna ay muhiim noqotay in la qabto doorashada hoggaanka sare ee Rugta ganacsiga.

Wasiirku wuxuu intaas raaciyey in doorashada ay dhacayso tobanka November inta ka horaysana loo baahan yahay in loo diyaar garooba. Hoggaanka Rugta Ganacsiga ee xilligan ayuu ku eedeeyey inay diidan yihiin in la qabto doorashada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

''Waxaa noo muuqatay in la gaadhay xilli sharciga lagu ilaaliyo,  waxaa noo muuqatay in saaxiibadayada hadda xilka hayaa aanay ogolayn in doorasho la qabto maalinba inay mashruuc keenayaan... mida kale wax xidhiidh ah oo haba yaraatee Rugta ganacsiga la leedahay ma jirto wasaarada Ganacsiga" wasiirka ayaa sidaas yiri.

Docda kale Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Siciid Xuseen Ciid oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay in Wasaradda Ganacsiga aanay awood u lahayn iclaaminta xilliga ay dhacayso doorashada hoggaanka sare ee Rugta.

" Waxan is weydiineynaa awoodda intaas le'eg meesha uu wasiirku ka keenay?...Sharciga iyo qawaaniinta dalka u yaal ayaan u daynaynaa inay wax ka yiraahdaan...hoggaanka rugta waxaa kala diri kara Madaxweynaha Puntland iyo boodhka rugta..." Ciid ayaa sidaas yiri.

Wasiirka ayaa ku doodaya in guddiga Rugta ganacsiga ee hadda talada haya jaysan sharciga waafaqsaneyn taasina khasab ka dhigtey in Wasaarada Ganacsiga soo faragaliso islamarkaana ku dhawaaqdo doorashadaan.

Wasiirka ganacsiga ayaa hoosta ka xariiqey ineysan wax dan ah ka laheyn ciida qabaneysa madaxtinimada Rugta gancsiga.

Dhinaca kale qodobka labaad ee sharciga Rugta Ganacsiga Puntland ayaa dhigaya inay tahay hay'ad madax banaan oo leh shaqsiyad qaanuuni ah, halka qodobka 27aadna uu dhigayo in cidda keliya ee kala diri kartaa tahay Golaha Sare ee Rugta Ganacsiga ama Madaxweynaha Puntland. 

Murankaan u dhexeeya Rugta ganacsiga iyo Wasarada gancsiga ayaa in muddo ah soo jirey iyadoo Gudoomiyaha Rugta ganacsiga ku gacansayrey hadalka Wasiirka ku icaalmiyey doorashada oo la filayo in la qabto 10 November,2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM