Xaaladda dadkii ka barakacay Tukaraq oo laga dayriyay

Image

GAROOWE, Puntland- Tan iyo markii ciidamo katirsan maamulka Somaliland la wareegeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool horaantii bishan, waxaa barakacay dadkii ku noolaa deegaankaas iyagoo walwal ka qaba dagaal dhex-mara ciidamada Puntland iyo Somaliland oo hadda isku horfadhiya daafaha magaaladaas.

Sida ay ku waramayaa qaar kamid ah shacabkii ka cararay saansaanta colaadeed ee halkaas ka taagan, waxaa adkaatay noloshada dadkii ku noolaa Tukaraq oo badankood u qaxay goobo aan sidaas uga fogayn deegaankaas. Xaaladda ugu daran ee soo wajahday dadkaas, ayaa lagu soo waramayaa Biyo iyo Baad la'aan.

"Dadkaas waxay u barakaceen meelaha ceelasha leh, waxaana hadda aad u adag noloshooda gaar ahaan Biyaha iyo Cuntada," sidaas waxaa yiri mid kamid ah dadkii ka qaxay Tukaraq oo la hadlayay Radio Garowe kaasoo intaas ku daray, "Ilaahay baa arsaaqda haya laakiin hadii aan dadkaas wax lala soo gaarin waxaan ka baqsanahay inay halkaas ka dillaacdo Macaluul."

Dhibaatada ugu badan ayaa lagusoo waramayaa inay soo wajahday dadkii ku waxyeelloobay abaartii Sima ee ku dhufatay geyiga Soomaalida, kuwaasoo tiradooda lagu sheegay 1,500 qof oo gargaar bini-aadantinimo ka heli jiray WFP, kadib markii ay isugu yimaadeen Tukaraq iyo nawaaxigeeda. Halkan ka dhagayso

Dhinaca kale, Maxamuud Mire, oo kamid ah dadka deegaanka oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa ku waramay inay jirto cabsi ku aadan in dagaal ka dhex-qarxo labada maamul taasoo uu sheegay inay saamayn ku yeelan karto noloshooda.

"Jawiga meesha ka jira, waa jawi naxdin leh, waa jawi cabsi leh, waa jawi colaad leh, waa jawi argagax leh, waa jawi barakac leh iyo qaxooti leh, waa jawi colaadeed weeye Tukaraq iyo deegaankiisu," sidaas waxaa RG u sheegay Maxamud Mire oo kamid ah dadka deegaanka.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu tilmaamay in dadkii sida nabadda ah ugu noolaa gobolka, ay hadda wajaheen dhibaatooyin kala duwan oo cudurku ugu daran yahay.

"Waa jira Biyo la'aan, Xanuuno ayaa jira gaar ahaan Carruurta oo shumaysa, Dhaxa baa jirta oo dadku ma haystaan waxay ka galaan qabowga habeenkii, Biyaha ay isticmaalayaan maaha wax la cabi karo oo Kharaar weeye ceelal loogu tagay," sidaas waxaa yiri Maxamud Mire.

Wuxuu baaq u jeediyay umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo uu ka codsaday in gargaar lasoo gaarsiiyo islamarkaana laga shaqeeyo sidii nabad loogu soo celin lahaa Tukaraq.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli in kabadan 3 saddex asbuuc ay is horfadhiyaan ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland kuwaasoo ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay, waxaana walaac laga muujinayaa dagaal ka dhex qarxa labada maamul oo inta badan uu ka dhaxeeyo muran ku salaysan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM