Xeer-dejinta maamulada oo loogu baaqey in aysan ku milmin xukuumada

Image

GAROWE, Puntland – Afhayeenka Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo Daareed] ayaa ku booriyey baarlamaanada maamuladda dalka in aysan ku milmin Laanta Fulinta.

Dhoobo Daareed ayaa hadalkaan ka sheegay fadhigii ay Arbacadii Garowe ku yeesheen mudanayaasha Aqalka Wakiiladda Puntland kaasi oo ay marti ku ahaayeen xubno ka socday xeer-dejinta Jubbaland, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada ayaa magaaladda caasimadda ah ee Garowe u jooga aqoon-kororsi maadaama Puntland ay hormuud u tahay dowlad goboleedyada dalka Soomaaliya.

Gudoomiye Cabdixakiin ayaa sidoo kale codsadey in laga wada shaqeeyo qaranimadda waddanka iyo khibrad is-weedaarsiga lana xormeeyo waxyaabaha Umadda ku heshiisay, sida xeerarka iyo dastuurka.

Xildhibaanada federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka ayaa inta badan lagu dhaliilaa in ay kasoo muuqdan Golaha Wasiiradda taasi oo hogaanka uga hortagayo Mooshin ama Kalsooni kala noqosho.

"Waanu garaneynaa daruufaha aynu ku shaqeynayno balse waa in la ilaaliyo waxyaabaha ay dadka ku heshiiyeen sida dastuurka iyo xeerarka kale, sidaasi ayaa lagu wada shaqeyn karaa," ayuu Afhayeenka hadalkiisa raaciyey.

Madaxda dowlada federaalka ah iyo qaar kamid maamulada ayaa si weyn loogu eedeeyaa in ay farogeliyaan shaqooyinka xeer-dejinta dalka si gaar ah shuruucda u taala, iyagoo ka leh ujeedooyin gaar ah.

"Baarlamaanada waa in aanan fadhiid laga dhigin, oo ay dhaqdhaqaaq yeeshan, oo ay la xisaabtan Xukuumadda," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay, gudoomiyaha Golaha Wakiilada dowladda Puntland.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli Gollaha Wasiiradda Khayre ay in ka badan 75% ay yihiin Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, taasoo keentay in shaqada hay'adda sharci-dejint noqoto mid gaabis ah, oo gabtay howlihii loo igmaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM