Xildhibaan Saadiq oo beeniyay eedaynta Gudoomiyihii hore Barlamanka Puntland [Dhagayso]

Image

31 Octobar, 2015(GO)-Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka Puntland ayaa beeniyay eedaymo uga timi Gudoomiyihii hore Barlamanka Puntland.

Saadiq, ayaa tilmaamay inuu ka mid ahaa Xildhibaanada doonayay in Shire laga badalo Gudoomiyenimada, wuxuuna eedayntiisa ku tilmaamay inay ka mid tahay waxyaabah looga bartay siyaasiyiinta Somalida markay jagada baneeyaan.

Xildhibaanka ayaa beeniyay in arrinta mooshinka ku lug lahayd dowladda Federaalka Somalia, wuxuuna meesha ka saaray lacag Gudoomiyihii hore sheegay in loo adeegsaday xilka qaadistiisa.

Saadiq Abshir Garaad, ayaa Siciid Xasan Shire ku dhaliilay inuusan aqoon shaqadiisa iyo waxyaabaha uu awoodda u leeyahay taasina keentay in kalsoonidii lagala laabto.

Waxa uu carabka ku dhuftay inuusan wanaagsanayn xiriirka isaga iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay.

Arrinta la xiriirta in Saadiq muddo dhan 17 sano ahaa Xildhibaan, ayuu sheegay inuusan Siciid ahayn shakhsiyaadka soo xula Barlamanka, balse uu ka caraysanyahay saxiixa mooshinkiisa.

Saadiq ayaa tilmaamay in shaki ku jiray xubinimadii Siciid Xasan Shire, kana mid ahaa xubnihii loo gudbiyay maxkamadda sare ee Puntland iyadoo la dhaliisanyhay sharciyadda uu ku yimi.

Xildhibaanka ayaa meesha ka saaray tuhun ku aadan in mooshinkii Shire saameeyo madaxda kale ee Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM