​Xildhibaan Saadiq oo beeniyay inuu cabasho la gudbiyey beelaha Somaliland [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo kamid ah golaha wakiillada Puntland, oo magaciisa iyo saxiixiisa ku jiray waraaq cabasho ah oo ay gudbiyeen beelaha Somaliland ee ku sugan Muqdishu, ayaa beeniyay inuu arrintaas ku lug lahaa islamarkaana uu ku jiray raggii cabashadaas gudbiyay.

Saadiq Garaad oo waraysi dhinacyo badan taabanayay siiyay Radio Garowe, ayaa sheegay inuusan xitaa tagin meel looga hadlayo arrimaha maamulkaas isagoo sheegay inuusan aqoonsanayn wax la yiraahdo Somaliland iyo xuduudihii ay ka tageen dowladihii dalka Gumaystay balse uu xaqiiqsanyahay inuu jiro dal layiraahdo Somalia sida uu hadalka u yiri.

Wuxuu sheegay in qoraalkaas lagu been abuurtay, inkastoo uu cadeeyay in jirto wadahadallo u dhaxeeya siyaasiyiinta labada maamul oo ku aadan sidii looga xal gaari lahaa khilaafka labada dhinac.

Xildhibaanka, ayaa sheegay inaysan jirin sabab ku xambaari karta inuu wax la gudbiyo beelaha Somaliland isagoo tilmaamay inuu dhalasho ahaan kasoo jeedo dhinaca Puntland.

Mudanaha, ayaa sidoo kale madaxda madasha ku eedeeyay inay ka shaqaynayaan sidii dadka madaxa la isugu galin lahaa oo loo abuuri lahaa khilaafaad iyo is-qab qabsi.

Saadiq, ayaa sidoo kale mugdi galiyay inuu qoraalkaan jiro isagoo sheegay inay is arkeen wasiirrada ku saxiixan qoraalkaas qaybtood, una sheegeen inaysan wax ka ogayn.

Balse, sawirro lasoo qaaday ayaa muujinaya xubno kamid ah siyaasiyiin kasoo kala jeeda labada dhinac oo shir ku yeeshay magaalada Muqdishu.

Warsidaha Garowe Online, ayaa fahamsan in arrintaasi ku jireen wasirro hore iyo kuwo ka tirsan xukuumadda Puntland oo at weheliyaan Saadiq iyo Camay kuwaasoo loo xil saaray inay go'aan kasoo gaaraan sidii xal looga gaari lahaa  muranka xubnaha Aqalka Sare.

Saadiq, ayaa kamid ahaa raggii horay madaxweyne Gaas safarrada ugu raaci jiray shirarka madasha, wuxaan dhawaan madax looga dhigay xubno ka shaqaynaya dhammaynta khilaafaadka Aqalka sare ee ay isku haystaan siyaasiyiinta gobollada Waqooyi iyo kuwa Puntland.

Saadiq Garaad oo kamid ah xildhibanada Barlamanka Puntland ka difaaca xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa waxaa ku lug lahaa qaar ka tirsan khilaafaadka qaar ka tirsan xildhibanada aqalka hoose ee kasoo galiyey gobolka Sool. 

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay xubnihii kale ee qoraalkaas ku saxiixnaa, waxaana la sugayaa sida uu uga hadlo Camay iyo shakhsiyaadka kale ee cabashadaas wax ka gudbiyay.

Qoraalkaan , ayaa noqday mid aad looga hadal hayay goobaha dadku isugu yimaadaan magaalada Garowe iyo guud ahaan baraha bulshada iyadoo dadku aad isu weydiinayeen waxa mas'uuliyiinta Puntland ku khusbey iyagoo jabinaya dastuurka Puntland inay wax ka  gudbiyaan cabashada ay qabaan siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Somaliland.

Lama oga tallaabada ay qaadi doonaan golaha Barlamanka Puntland ee sharci dajinta iyadoo aysan wali ka hadlin sida ay u arkaan qoraalkaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM