XOG: Askar ka tirsan Madaxtooyada Puntland oo lagu tuhmey dilka Sarkaal Gabi-gabi

Image

GAROWE (GO)- Baaris warsidaha GO sameeyey ayaa waxaa uu ku ogaadey in labo kamid ah ciidamada Madaxtooyada Puntland lagu tuhunsamay dilkii Jul 27, 2018 loogu gaystey xarunta gobolka Mudug ee Galkacayo sarkaal ka tirsanaa ciidamada amniga Puntland.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in labadan askari mid kamid ah la qabtey halka midka kale baxsadey isagoo la sheegey in taleefankiisa uu dansadey.

Labada askari oo magacyadooda lagu soo koobey Cabdifatax Indha Balac iyo Caano Maraaci ayaa waxaa qoysas hoose la kala yihiin Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Xogtaan ayaa sheegeysa in askariga la yirahdo Cabdifatax Indhabuur bar uu Facebook ku leeyahay oo la yiraahdo Aaranjaan maalin ka hor inta aan la dilin sarkaalkaan 26 July,218 soo dhigey I n Gabi-gabi xiriir la leeyahay kooxda Al Shabaab.

Indhabuur oo Madaxweyne Gaas isku Beel hoose yihiin ayaa loo qabtey in wax laga waydiiyo dhacdadaans sida saraakiil xogogaal ah u sheegtey 

Askariga la yirahado Caano Maraaci oo Madaxweyne ku xigeenka Abti u yahay oo isagana markii dilkaan dhacey ku sugnaa magalada Galkacayo ayaa la waayey oo baxsdey.

Korneyl Cabdirashid Xasan Xaashi ayaa koox dabley ah ee hubeysan ku dishey magalada Galkacayo ayaa dabley hubeysan ku dishay magalada Galkacayo 27 July,2017.

Magalada Galkacayo ayaa waxa ka dhaca dilal loo gaysto saraakisha dowada Puntland iyo waxgaradka degaankaas kuwasoo inta badan gaystaan kooxda Al Shabaab.

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM