XOG: Gaas iyo Xildhibaanno oo damacsan inay carqalad geliyaan jiritaanka Puntland

Image

GAROOWE, Puntland - Xog hoose oo uu helay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya in Xildhibaanno katirsan Gollaha Wakiiladda Puntland inay ka shaqeynayaan qorshe uu gadaal ka riixayo Madaxweyne Gaas, oo wax ka bedel loogu sameynayo Dastuurka.

Xilli 25-ka bishan la filayo inuu furmo kalfadhigii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka, ayaa Xildhibaano dhowr ah waxay saxiixeen mooshin ay ku dalbanayaan in la furo dastuurka, si loo kordhiyo kuraasta Aqalka Wakiiladda, oo hadda ka kooban 66.

Illo Xog-Ogaal ah ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Mooshinkan dabada ka riixayaan xildhibaano aan dib ugu soo noqineyn golahaan, islamarkaana dhaqaale ku bixinaya sidii uu ku meel-mari lahaa.

Xildhibaano u badan kuwo waqtigoodu dhamaadey ee ka rajo dhigay inay soo noqdaan, ayaa waxay saxiixida mooshinkaan ku qaadanayaan lacago u dhexeeya $3,000 illaa $5,000 oo la siinayo midkiiba, sida ay xogta GO sheegeyso.

Su'aallaha la is waydiinayo ayaa kamid ah Baarlamaanka mudo-xileedkiisu dhamaadey ee Puntland awood ma u leeyahay inuu furo dastuurka islamarkaana uu ka bedel ku sameeyo.

Dastuurka Puntland ayaa labadaan qodob ee hoose waxay si adag uga hadlayaan in aan waxba laga badali karin Axdiga maamulkaan. 

QODOBKA 139-AAD EE WAX KA BEDELIDDA DASTUURKA PUNTLAND:

1] Hindisaha wax ka bedelidda Dastuurka waxaa soo jeedin kara

b] shan meelood oo meel [1/5] xubnaha Gollaha Wakiiladda.

t] Gollaha Xukuumadda

j] Ugu yaraan shan kun [5,000] oo muwaadin inay u codeeyaan

2] Markii ay soo jeedinta soo gaarto Gollaha Wakiiladda, waxaana falanqeynaya gudi gaar ah. Gudigu wuxuu soo jeedinayaa talobixin uu golluhu ka doodayo, dabadeedna uu ku ansaxiyo hal dheeri ah.

3] Gollaha Wakiiladda wuxuu sameynayaa olole wargelin, oo ku saabsan dib u habeynta, si loo xaqiijiyo in dadweynaha oo dhan ayy xog-ogaal ugu noqdaan isbedelka lagu sameynayo  Dastuurka.

4] Mudo aan bil ka yareyn kadib Golluhu  wuxuu soo bandhigayaa soo jeedinta in lagu ogolaado ama loogu diido tirro dhan saddex meelood labo [2/3].

5] Wax ka bedelka qodobada 1-aad, 2-aad, 3-aad, 4-aad, 9-aad iyo 13-aad ee madaxa 1-aad koowaad qeybtiisa 1-aad ee Dastuurka, kadib marka la maro habraacyada ku cad faqradaha hore ee qodobkaan waxaa loo bandhigayaa afti dadweyne.

6] Wax ka bedelidda Dastuurka waxaa lagu baahiyaa faafinta rasmiga ah, looma cuskan karo  diidmada qayaxan ee Madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM