XOG: Musuqmaasuqa la xiriira Markab mucaawino u sida Puntland, Galmudug iyo gobolka Hiraan

Image

BOSSASO- Magaalada Bossaso ayaa 4 August, 2016 waxaa ku soo xirtey Markab raashin mucaawino ah oo gaaraya 3500 Ton u sida maamulka Puntland, Galmudug iyo gobolka Hiraan, warsidaha Garowe online ayaa isku taxalujiyey inuu wax ka ogaado qaabka loo maamuley dajinta raashinkaan iyo siyaasada ka dambeysa keenistiisa.

Raashinkaan ayaa waxaa soo direy dowlada Federaalka Somaliya kaasoo kamid ah mucaawino dowlada Turkiga ku tageereyso xiligaan siyaasada Madaxweyne Xasan Shiikh ee ku aadan qorshahiisa dib u doorasho ee Somaliya.

Wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya  in markii hore xubno ka tirsan dhinaca maamulka Puntland iyo dowlada Federaalka damceen in Raashinkan oo Sonkor iyo Bur ka kooban lagu iibsho magaalada Muqdishu balse talabadaan waxaa ka biyo diidey siyaasiyiin  reer Puntland ah oo ku sugan Muqdishu kuwasoo khasab ka dhigey in mucaawinadaan la gaar siiyo halkii loogu talagaley.

Markabka sida raashinka mucaawinada ah oo magaalada Bossaso soo gaarey asbuucii lasoo dhaafey ayaa dhinaca Puntland dajintiisa Madaxweyne Gaas waxaa uu u xilsaarey Ganacsade la yiraahdo Ismaaciil Cabdisalaan kaasoo kharashka rogista Raashinkaan loo siiyey  6000 Kiish kuwasoo isku jira Sonkor iyo Bur.

Madaxweynaha Puntland ayaa xaawiley inta uu ku sugnaa magaalada Muqdishu in dowlada Federaalka ka bixiso kharashka ku baxaya dajinta Raashinkaan balse wuu ku guuldareystey.

Maamulka Galmudug iyo Hiraan oo magaalada Bossaso ka joogaan wakiillo ayaa waxaa daabulista Raashinkaan qandaraas lagu siiyey shirkad kireyneysa gadiidka gaarsineya Caddaado iyo Baldweyne oo la yiraahdo Aaran.

Shirkadda Aaran oo ay ku midoobeen xubno gacansaar dhow la leh xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa Daabulista Raashinkaan u qaadaneysa 12000 Kiish ee Sonkor iyo Bur isugu jira.

Xubnaha wakiilada u ah maamulka Galmudug iyo Hiraan ayaa damcey in Raashinkaan ku caddeystaan magaalada Bossaso sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay balse waxaa diidey Sadex qolo kuwasoo iyaguna dano dhaqaale ka leh mucaawinadaan.

Qolada koowaad oo diidey waa wakiilada shirkada  Aaran kuwasoo ka cabsi qaba in kirada ay u qaadanayaan daabulista macaawindaan meesha baxdo hadii Raashinkaan Bossaso lagu iibsho, ganacsato reer Puntland oo ka baqeysa in badeecadahooda u yaala suuqyada Bossaso qiimo beesho iyo xukuumada Puntland oo iyadu damacsan inta badan Raashinkaan iney lacageysato.

Suuqyada Bossaso ayaa iminka waxaa lagu iibinayaa 18000 Kiish oo ay kharash ahaan u qaateen Ismaaciil Cabdisalaan iyo shirkada Aaran kuwasoo qiimo dhac  ku sameeyey badeecadaha sonkorta iyo Burka ee yaala xarunta ganacsiga Puntland.

Dhinaca kale magaalada Bossaso ayaa waxaa ku sugan wafti ka socda dowlada Federaalka oo uu hogaaminayo wasiiru dowlaha arimaha gudaha iyo gabar xukuumada Muqdishu u qaabilsan qaybinta deeqaha kuwasoo dhinacooda dabada ka riixayay in Raashinka Galmudug iyo Hiraan lagu iibsho magaalada Bossaso.

Wararka aan ka heleyno wasaarada arimaha gudaha Puntland ayaa sheegaya in Raashinkaan intiisa badan la iibin doono halka qaybo kamid ah la gaarsin doono gobolada maamulkaan ka kooban yahay.

Raashinka mucaawinada ah ee magaca shacabka Puntland looga soo qaado magaalada Muqdishu kaasoo dowlada Turkiga bixiso  ayaa waxaa Madaxweyne Cabdiweli Gaas wakiil gaar ah ugu ah Ninka la yiraahdo Burhaan Dio Mio.

Burhaan oo horey xafiiska Madaxweyne Gaas Agaasime guud uga noqdey markii uu ahaa Ra'isal wasaaraha dowladii KMG ah ayaa inta uu Mudane Cabdiweli xilka ka qabtey Puntland u xuubsiibtey dulaal magaalada Muqdishu iyo Nairobi ku sugan kaasoo wadashqeyn dhow la leh safaarada Turkiga ee magaalada Muqdishu.

DIO MIO ayaa horey u maamuley Markab raashin ah oo mucaawino u sidey Puntland kaasoo lagu eedeeyey inuu ku sameeyey maamul xumo sida loo qaybshey halka ay soo baxayaan warar sheegaya in raashinkaas intiisa badan laga iibiyey suuqyada Bossaso. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM