Xubno ka tirsan gudiga joogtada ah ee Barlamanka Puntland oo musuqmaasuq ku lug leh

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Barlamanka Puntland oo xildhibaanadiisu ka kooban yihiin 66 xubnood ayaa u qaybsama 10 guddi kuwasoo sida Xeer hoosaadka aqalka wakiillada dhigayo shaqadooda tahay in la socdaan islamrkaana la xisabtamaan hay'adaha kala duwan ee xukuumada xiligaas ka arimisa Puntland.

Xildhibaanada Barlamanka marka laga reebo 3 xubnood ee gudoonka ah ayaa 63-da xubnood oo kale waxay u qaybsan yihiin guddiyo la socda shaqada hay'adaha kala duwan ee xukuumada. Guddi walba oo ka yimid 63 xildhibaan ee Barlamanka Puntland waxaa uu leeyahay Gudoomiye, ku_xigeen iyo xubno kuwasoo shaqadoodu tahay la socodka shaqada hay'adaha iyo wasaaradaha kala duwan ee xukuumada.

Tobanka Gudoomiye ee guddiyada Barlamanka oo lagu biiriyey 3 xubnood ee gudoonka aqalka wakiillada [Gudoomiyaha iyo labada ku_xigeen} ayaa waxaa lagu magacaabaa guddiga joogtada ah ee Barlamanka Puntland. 

Guddiga joogtada ah ee Barlamanka Puntland ayaa sida uu dhigayo Xeer hoosaadka Barlamanka Puntland waxey shaqadooda tahay iney maalin walba oo Isniin ah kulamaan inta u dhexeysa labada kalfadhi ee Barlamanka kuwasoo laga rabo iney diyaariyaan warbixino islamarkaana kormeer ku sameeyaan hay'adaha dowlada iyo sida ay uga howl galaan gobolada dalka. 

Guddiga joogtada ee Barlamanka ayaa sidoo kale lacag dheraad ah [Gunno] ku qaata howlaha laga sugayo iney qabtaan kuwasoo sida warbixintaan sheegeyso inta badan isugu imaan kulamadooda maalmaha Isniinta ah.  

Warsidaha GO oo baaris kooban ku sameeyey shaqada Guddiga joogtada ah ee Barlamanka Puntland ayaa ogaadey iney fadhiid yihiin kadib markii xubnaha ugu tunka weyn ee guddigaan ku milmeen xukuumada Puntland ee iminka talada haysa.

Xubnaha madaxda ka ah guddiyada muhiimka ah kuwasoo si tooska ah gacansaar ula yeeshay xukuumada talada Puntland haysa ayaa waxaa kamid ah gudoomiyaha Guddiga dhaqaalaha iyo xisaabaadka u qaabilsan Barlamanka Maxamad Farax Nuux [ Maxamad Dheere]. 

Guddigaan ayaa shaqadiisu tahay in wasaarada Maaliyada iyo dhamaan hay'adaha dakhli ururinta la sameeyaan xisaabtan dhab ah, warsidaha GO ayaa fahansan in Mudane Nuux dabooolka saarey soo shaac bixinta qaylo dhaanta ka imaaneysa dhibaatooyinka dhaqaale xumo ee ka taagan Puntland sida Sicir bararka iyo mushahar la'aanta haysata inta badan shaqaalaha iyo ciidamada dowlada.

Mudanhaan oo aan ku jirin Guddiga joogtada ah ee qorsheynta, siyaasada iyo arrimaha Federaalka u qaabilsan Barlamanka Puntland ayaa si  joogta ah uga mid ah xubnaha waftiga  Madaxweynaha Puntland kala qayb gala wadaxaajoodyadii magaalada Muqdishu uga socdey madaxda Somalida. 

Dhinaca kale guddiyada howshooda fadhiidka tahay kadib markii madaxdii howshaas lagu aaminey ku badasheen danahooda siyaasdeed iyo kuwooda dhaqaale ayaa waxaa kamid ah Gudoomiyaha Guddiga amniga iyo Nabad galyada u qaabislan Barlamanka Puntland Xildhibaan Saadiq Axmad Abshir Garaad.

Xildhibaan Saadiq Axmad Abshir Garaad ayaa la rumeysan yahay inuu yahay xubinta ugu muhiimsan ee xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ugu jirta Barlamanka Puntland isagoo kala shaqeeya burburinta mooshinada ku wajahan la xisaabtanka xukuumada iyo fulinta qorsheyaasha siyaasdeedka ee xafiiska Madaxweynaha ka leeyahay aqalka wakiillada.

Saadiq Garaad ayaa dhinaca kale la wareegey howlihii GuddIga Barlamanka u qaabislan qorsheynta iyo arrimaha Federaalka isagoo iminka noqdey xubinta ugu muhiimsan madaxaweyne Gaas ee wadaxajoodyada magaalada Muqdishu uga socda madaxda Somalida. 

Xildhibaankaan ayaa abaal Marin u heley in Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ku darsado xubinta Guddiga doorashada Heer Federaal uga mid noqneysa Puntland kadib markii uu ku guuleystey inuu joojiyo dhamaan la xisaabtanka Barlamanka kala sameyn lahaa xukuumada arrimaha amniga.

Guddiyada kale oo howshooda gabay waxaa kamid ah Gudoomiye-yaasha Guddiga arrimaha bulshada waxaana madax ka ah Cabdulqaadir Farax Bootaan iyo Guddiga Barlamanka u qaabilsan howlaha guud iyo kaabayasha dhaqaalaha Maxamud Farax Warsame [ Maxamud Dheere]. 

Madaxda guddiyadaan ugu tunka weyn Guddiga joogtada ah ee aqalka wakiillada ayaa gacan saar siyaasdeed la leh 3-da xubnood ee gudoonka Barlamanka Puntland [ Gudoomiyaha iyo labadiisa ku_xigeen] kuwasoo shukaanta u haya shaqada Barlamanka islamarkaana iska kaashada sidii biyo qabow loogu shubi lahaa mooshinada ku aadan la xisaabtanka xukuumada Puntland.

Guddiga joogtada ee Barlamanka Puntland ayaa la rumeysan yahay inuu ka dambeeyey xil ka qaadistii hore ee lagu sameeyey afhayeenkii hore ee aqalka wakiilada  Siciid Xasan Shire kuwasoo muruq tuujinayey Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Warsidaha Garowe Online ayaa idiin soo gudbin doona warbixino la xiriirara danaha dhaqaale ee xubnaha Guddiga joogtada ah ee Barlamanka Puntland ka sameysteen hirgalinta siyaasada lagu ragaadinayo howlaha aqalka wakiillada. 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM