Xubno ka tirsan Xukuumada Gaas oo xilal ka raadinaya Muqdisho

Image

Dec 10,2014 [GO]- Magaalada Muqdishu ayaa waxaa ku sugan xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Gaas kuwasoo u suxul duubaya sidii loogu magacaabi lahaa  xilka Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka Somalia.

Wararkaan ayaa intaas ku daraya in xubnahaan ka tirsan Wasiirada Puntland oo dhowaan safar ku tagey magaalada Muqdishu kulamo la qaateen la taliye-yaasha aadka ugu dhow Madaxweyne Xasan Shiikh.

Xubnahaan ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas oo u sharaxan xilka Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay waxaa kamid ah Wasiirka Waxbarshada Puntland Cali Xaaji Warsame.

Cali Xaaji Warsame oo ku sugan magaalada Muqdishu ayaa wararku sheegayaan inuu gudbiyey codsigiisa ku aadan inuu xilkaan musharax u yahay.

Wasiirka Waxbarshada Cali Xaaji Warsame oo u tartamey xilka Madaxweynaha Puntland Jan 8 2014 ayaa horey safaro aan kala joogsi laheyn ugu amabaxay wadanka dibadiisa iyo magaalda Muqdishu taasoo dadka siyaasada falanqeeya ku macneeyeen inuusan wanaagsaneyn xiriirka shaqo uu la leeyahay Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

Xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas oo xilka haysay muddo hal sano ku dhow ayaa dad badan waxey cabsi ka qabaan sida siyaasiyiinta majaraha u haysa ugu hanqal taagayaan mustaqbalka iney xilal ka qabtaan dowlada Federaalka ah ee Somalia taasoo khatar galineysa sumacada iyo gabi ahaanba jirtaanka Puntland.

"Waxaa muuqata in dhamaan xubnaha xilal ka haya Xukuumada Madaxweyne Gaas ee hadda talada haysa iney xilalka ay hayaan u isticmaalyaan Jaran-Jaro looga sii gudbo magaalada Muqdishu, taasoo nasiib daro iyo sharaf dhac ku ah shacabka Reer Puntland" sidaas waxaa yiri siyaasi ku nool magaalada Garowe.

Magaalada Muqdishu oo uu ka socdo loolan siyaasdeed ayaa wararka aan ka helyno sheegayaan iney siyaasiyiin farabada ee kasoo jeeda Puntland u sharaxan yihiin xilka Ra'isal Wasaaraha Somalia.

Xubnahaan ayaa waxaa kamid ah Khaliif Ciise Mudan, Cali Cabdi Awaare, Siciid Dani, Cabdulqaadir Xaashi iyo xubno kale oo farabadan.

Madaxweynaha Somalia oo kulan dhowaan la qaatey Wakiilada Beesha Caalamka u fadhiya Somalia ayaa sheegey in dhowaan uu soo magacaabi doono Ra'isal Wasaaraha Somalia.

Xasan Shiikh ayaa sidoo kale kulan la qaatey Xildhibaanadii diidanaa Mooshinka ka dhanka ahaa Ra'isal Wasaare Cabdiweli Shiikh ayaa wararka kasoo baxaya sheegayaan in lagu soo hadal qaadey magacaabista Ra'isal wasaaraha Somalia.

Xildhibaanadaan ayaa Madaxweynaha Somalia ka codsadey in Ra'isal Wasaaraha la filayo in laga magacaabo siyaasiyiintii diidanaa Mooshinkaan si loo gaaro heshiis dhameystiran balse arinkaas waxaa diidey Mud. Xasan Shiikh. 

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh ayaa wel-wel ka qaba in Ra'isla wasaaraha cusub ay diidaan Xidhibaanadii kasoo horjeedey Mooshinkii ka dhan ahaa Cabdiweli Shiikh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Badda Puntland oo “ka hortagay” qorsheyaal abaabulan

Ciidanka ayaa si adag u dardargeliyey sugidda Amniga xeebaha Badweynta Hindiya ee Puntland.

  • Puntland

    15-04-2024

  • 05:29AM

Puntland oo qabatay burcad-badeed $5 milyan ku heshay afduubka markab

Lama xaqiijin in lacagtii madax-furashada ahayd ee la siiyay burcad-badeedda la soo qabtay intii howlgalku socday.

  • Puntland

    14-04-2024

  • 07:31AM