Ciidamada ammaanka oo saddex qof ku xiray Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland – Ciidamada ammaanka Boosaaso ayaa xabsi dhigay saddex qof oo kamid ah guddi dhisme waddo ku taala xarunta ganacsiga dowladda Puntland.

Xubnaha la xiray ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay; Maxamuud Maxamed Xuseen, Maxamed Ibraahim Xaaji iyo Maxamed Faahiye.

Illo wareedyo ayaa sababta keentay xariga ku sheegay in raggan ay qabteen lacag dhan 150-kun oo dollar kana timid dowladda federaalka, taasi oo ay Puntland dooneysay in ay maamusho.

Xogta la helayo ayaa waxay intaasi ku dareysaa in shaqsiyaadkan ay diideen in lacagtaasi dib ugu celiyaan xukuumadda federaalka ah.

Xiriirka Puntland iyo Villa Soomaaliya ayaa nan wanaagsaneyn tan iyo shirkii burburay ee Garowe kaasoo u dhaxeeyay madaxda dowlada federaalka iyo maamulada.

Iyadda oo ay taasi jirto ayaa waxaa soo dhex-gashay socdaal uu ra'iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre ku tegay Gaalkacyo, horaantii bishan July 2019.

Intii uu ku sugnaa xarunta gobolka Mudug, wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ayaa lacag ugu deeqay dhismaha garoonka kubadda cagta magaaladaas.

Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Qorsheynta Puntland oo dhaliilay safarkaasi ayaa ku eedeeyay Khayre in uu hareermaray hab-maamuus ay u diyaariyeen. Xafiiska Khayre wali kama jawaabin eedeynta.

Isaga oo ka hadlayey daah-furka duulimaadyada Ethiopian Airlines, madaxweyne Deni oo ka digay in da'yarta Puntland la marin-habaabiyo ayaa xusay in Puntland ay leedahay maamul jira 20-sano.

Sikastaba, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, lacagta loosoo diray raggan ayaa ah mid si toos ah gacantooda ugu soo dhacday oo aanan lasoo marsiin hay'addaha dowladda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM