Xukuumada Puntland oo amar dul-dhigtay hay'addaha samafalka

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Golaha Xukuumadda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah waxay yeesheen Shirkii Todobaadlaha ahaa ee alaaba looga hadlo xaalada guud ee dalka.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, ayaa gudoomiyey kulanka oo ay kasoo qayb-galeen inta badan xubnaha Laanta Fulinta.

Isu-imaatinka waxaa todobaadkan looga hadlay, Amniga dalka, Safarkii Madaxweyne Ku-xigeenka ee deegaanka Af-urur, Xaaladda Waddooyinka Puntland iyo Warbixino kale.

Sidda ku cad qoraal kasoo baxay kulanka, Mr Karaash ayaa amar ku bixiyey in muddo 24-saacadood gudaheeda ah looga jawaabo baahiyaha daruuriga ah ee ka jira tuulada Af Urur.

Hay'addaha Samafalka ayaa la faray in ay si degdeg ah uga howlgalaan degaankaasi ayna gaarsiiyaan dadka gurmadka ay u baahan yihiin sida Ceelasha-Biyaha, Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Dhanka kale, Wasaaradda Amniga oo warbixin la xiriirta nabad-gelyadda soo bandhigtay ayaa shaacisay in amaanka uu hagaagsan yahay lana hirgeliyey ciidamada xasilinta Baran.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM