AMISOM oo qabatay sarkaal ka tirsan AlShabaab oo qaraxyo siday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in Arbacadii shalay ay gobolka Shabeellaha Hoose ku qabteen xubin sare ka tirsan Al-Shabaab kaasi oo watay walxo loo adeegsado qaraxyada.

Howlgalka AMISOM ma uusan soo bandhigin magaca dagaalamahaan qaybta ka ah kooxda gacan-saarka la leh Al-Qaacida oo laga soo qabtay tuulada Baladul-Amiin oo ku dhaw Afgooye, oo sidoo kalena Koonfur Galbeed ka xigta Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu xusay in ninkaan uu doonayay in walxaha qarxa uu ku beegsado gaadiidka ciidamada shisheeye si gaar ah kuwa sahayda isugu kala gudbiya gobolka.

"Dambiilaha oo aan su'aallo waydiinay waxaa lagu wareejiyey ciidamadda Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraalka oo lasoo dhigay barta gaarka ah ee howlgalka AMISOM ee Twitter-ka.

Ninkan ayaa lagu qabtey isagoo wata lix Remote-contro, oo ah Aalado lagu qarixiyo miinooyinka, sida AMISOM laga soo xigtay.

Illaa iyo haatan ma jirto wax jawaab ah oo ay Al-Shabaab kasoo saartay sheegashada ku saabsan ruuxaan ay gacanta ku dhigeen ciidanka AMISOM, kaasi oo aanan lasoo bandhigin muuqaalkiisa.

Balse, taliska ayaa saxaafadda u soo bandhigay sawirka walxaha qarxa oo ay sheegeen in uu watay shaqsigaasi.

Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay Al-Shabaab ku xoogan tahay ayaa waxaa inta badan qaraxyo iyo weerar jidgal ah oo khasaaro geysta lagu beegsadaa ciidanka ajnabiga ah iyo kuwa xooga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM