Amnesty: Dagaalka daahsoon ee Mareykanka ka wado Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka ayaa kordhiyey weerarada cirka ah ee uu ka fuliyo Soomaaliya saddexdiis sano ee u dambeysay. Sagaalkii bilood ee u dambeysay 2017-dii wuxuu qaadey 34 duqeyn.

Tiradaasi ayaa waxay ka badan tahay guud ahaan inta howlgal oo uu fuliyey intii u dhaxeysay sanadihii 2012-dii illaa iyo 2016-kii.

Waa ay sii bateen sanadkii 2018-kii waxaana ay gaareen 47 duqeyn. Markan u imaano sanadkan 2019-ka, labada bilood ee ugu horeysay waxa uu qaadey Mareykanka 24 duqeyn oo dhanka cirka ah.

Inta badan howlgaladan waxaa lala beegsaday Al-Shabaab wallow ay ku jiraan qaar lala eegtay xubno kamid ah dagaalemeyaasha Daacishta Soomaaliya oo uu ku jiro hogaamiye ku xigeenkooda.

Sare u kaca ayaa yimid kadib amar uu bixiyey madaxweyne Donald Trump oo ku tilmaamay Soomaaliya "meel ay ka jirto caadawad".

Faafinta macluumaadka la xiriira duqeymaha waxaa Washington u qaabilsan taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM] kaasoo inta badan war-saxaafadeedyadda ku sheega waxyeeladda.

Marka laga soo tago sheegitaanka khasaaraha bartilmaameedka oo ah xoogaga Al-Shabaab, AFRICOM ayaa meesha ka saarta in aysan jirin waxyeelo dad rayid ah kasoo gaarey duqeymaha "mana ahan xaqiiqada".

Warbixin kasoo baxdey hay'adda Amnesty International [AI] oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa tooshka ku iftiimisay dhibaatooyinka ay shacabka ah kala kulmaan duqeymaha dhanka cirka ee Al-Shabaab.

Rayidka wax ku noqda duqeymaha ayaa waxaa haween iyo caruur, sidda lagu sheegay warbixinta oo ka kooban dhowr bog, kuwaasi oo lagu soo bandhigay qaabka ay duqeymuhu u dhaceen.

'Caddeymaha damqashada leh ee waxyeelada rayidka'

AI oo adeegsatay qalab casri ah, wareysatayna goobjoogeyaal, qaraabada, kormeereyaal iyo saraakiil milatariga Mareykanka ka tirsan ayaa xustay in ay haysato caddeymo khasaaro rayid oo damqasho leh.

Weerarada cirka ah ee ay hay’addo shaacisay in ay caddeymaha u hayso ayaa ka kala dhacay degaanadda Darusalaam, Farsoley, Illimey, Jameeca Jilaa iyo tuulooyin kale kuwaasi oo gebigooda ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhamaan howlgaladan ayuu Mareykanku fuliyey sanadkii 2017-kii, wallow ay ku kala duwanaayeen bilooyinka. Balse sanada 2018-ka iyo 2019-ka waxyeelo rayid waa ay jiraan balse uma badna sida 2017-kii oo ay dhinteen 14 shacab.

Tusaale ahaan, duqeyntii Daarusulaam, sidda ay Amnesty sheegeyso, labadda qof oo bishii November la duqeeyay ayaa waxay ahaayeen beeraley kuwaasi oo ku nasanayey beertooda markii ay shaqo ka yimaadeen.

Warbixinta ayaa ku eedeyneysa Mareykanka in uu iska indho tiro caddeymaha cad-cad ee ku wajahan in duqeymaha uu geysato ay shacab ku dhinteen kuna dhaawacmeen, isaga oo ku adkeystay in ay "argagixiso yihiin".

Qormadda ayaa sidoo kale soo daaha ka rogtay in AFRICOM ay duqeyntii Daarusalam u adeegsatay diyaarad nooceedu yahay AC-130, taasoo ay ciidamada cirka Mareykanka u isticmaalan weerarada joogo hoose ah.

Tani macnaheedu wuxuu yahay in noqoneyso markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya ka adeegsadan, iyagga oo aanan soo bandhigay howlgelintooda, wallow ay xaqiijiyeen jiritaanka.

'Khasaaraha shacabka way sii kordhi doonan'

Amnesty International ayaa sheegeysa in waxyeeladda shacabka kasoo gaara duqeymaha Mareykanka ay sii socon doonan hadii aanan isbedel degdeg ah lagu sameynin qaabka ay haatan wax u socdaan.

Warbixinta ayaa sheegeysa in caqabada taagan ee mar walba keenta waxyeelada rayidka ay tahay "wargelin la’aan iyo ka fiirsasho yar" wallow eedeyntaasi uu iska fogeeyay taliska AFRICOM.

Hay’adda oo rajo wanaagsan ka muujisay in shacabka ehelkooda ku waaya gacmaha Mareykanka ayaa ku tartartsiisay dowlada Soomaaliya iyo Washington in ay ilaaliyan xuquuqda aadanaha.

"Ma ahan mid suurtogal tahay in dadka soo bandhigan dhibaatadooda, maxaa yeelay caqabado ammaan. Sidaasi darteeda, dowladaha waa in ay baaritaan sax ah ku sameeyaan, ilaaliyaan xuquuqda aadanaha," ayaa lagu yiri qormada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM