Aqalka Sare ee BF Soomaliya oo Baqdin Amni loo xirey [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO - Aqalka sare ee Barlamanka Federalaka Soomaaliya ayaa la xirey kadib markii xildhibaanada golahaan u codeeyeen in kalfadhigaan uusan sii socon karin madaama ay lasoo gudboonaadeen arimo la xiriira dhinaca sugida amniga.

Mudanyaasha aqalkaan oo qaar kamid ah la hadleen warsidaha Garowe Online ayey u sheegeen in xaalada amni ee ka jirta magalada Muqdisho sababtey in dhismahaan aan lagu sii shaqeyn karin hadaan la helin ciidamo ka socda AMISOM kuwasoo si buuxda u sugi kara amniga. 

“Ogolaansho waxaan ka heley AMISOM iney sugto amniga dhismahaan kadib markii ay ka codsadeen gudoonka aqalka sare ee Barlamanka Federalka Soomaliya balse waxaa ka gaabisay xukuumada Ra’isal wasaare Khayre iney amarka ugu dambeeya siiyaan ciidamadaan.” Sidaas waxaa sheegey Xildhibaan ka tirsan aqalkaan oo diidey magaciisa.

Xaalada amni xumo ee loo xirey aqalka sare ayaa imaaneysa xilli sarkaal sare oo ka tirsan AMISOM uu sheegey dhowaan in ciidamada ka socda Afrika la dhimayo tiradoooda isagoo dhinaca kale hoosta ka xariiqey in xogaga Soomaalida ‘SNA’ awood aysan u leheyn iney la wareegaan guud ahaan amniga dalka.

Dhinaca kale kalfadhiga aqalka sare oo ah kii 3aad tan iyo markii la aasaasey golahaan ayaa sida Warsidaha GO ogaadey waxaan weli dowlada Federaalka gaar ahaan hay’adda fulinta aysan ku guuleysan iney meel dhigto miisaanaiyada uu ku shaqeynayo gaar ahaan waxaa la isku khilaafsan yahay gunada mudanayaashaan inta ay noqoneyso.

"Golaha fulinta gaar ahaan Wasiirka Kowaad ee xukuumada waxaa uu ka cagajiidayaa in aqalkaan oo ah astaanta hirgalinta nidaamka Federaalka Soomaaliya, uu wax ka qabto arimaha kaga xiran golihiisa, waxaana horey uu uga baaqsadey Ra’isal wasare Khayre inuu horyimaado golahaan markii lagu casumey mid kamid ah kalfadhiyadiisa.” Xildhibaan ka tirsan aqalkaan oo diidey in aan xusno magaciisa ayaa GO u sheegey sidatan.

"Xukuumada ayaan u arkin inuu muhiimad siyaasadeed u leeyahay aqalka sare  madaama aan laga ridi karin waxayna ku mashquulsan tahay waqtigeeda inta badan sidii ay u qancin laheyd mudanayaasha golaha shacabka kuwasoo keeni kara mooshin ka dhan ah Ra’isal wasaraha iyo golihiisa.” Sidaas waxaa yiri Xildhibaankan oo hadalkiisa sii wata.

Golaha shacabka ayaa dhowaan waxaa uu doortey gudoomiye cusub bishii la soo dhaafey kadib markii khilaaf soo kala dhexgaley golaha fulinta dalka. Xukuumada Soomaaliya ayaa intooda badan waxaa ka tirsan Xildhibaano ka soo jeeda aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka kuwasoo gorgortan siyaasadeed kula gala markii Wasiirka Kowaad uu raadinayo kalsoonida golahaan.

Aqalka Sare ee Barlamanka Federalaka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka cabanaya in hay’adda fulinta ee dowlada ay ka gaabisay in guddiga dib u eegista Dastuurka KMG ah ay kamid noqdaan 6 xubnood ay soo dirsadeen maamulada Soomaaliya sidaas ay uu qorayo axdiga KMG ah ee dalka.

Gudigaan dib u eegista Dastuurka KMG ah ayaa ka kooban; Guddi ka socda labada aqal ee Barlamanka; Guddiga madaxa banaan; iyo Lix xubnood kuwasoo ka kala yimid 5 maamul goboleed iyo gobolka Banaadir.

Khilaafka u dhexeeya maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka oo sii kordhaya ayaa talabadaan waxay noqoneysaa mid wajigabax ku noqota golaha fulinta dalka kadib markii xaalad amni daro u xirmey mid kamid golayaasha Dowlada Soomaaliya kaasoo u taagan mid kamid tiirarka siyaasadeed ay uu ku taagan yahay hogaanka dalka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM