​Askar iyo Shacab loo xiray inay fududeeyeen Weerarkii Belad Xaawo

Image

BELED XAAWO, Somalia - Ciidamada amaanka magaalada Beled Xaawo, ee gobolka Gedo, ayaa xabsiga dhigay Askar iyo dad kale oo shacab ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Al shabaab.

Wararka ayaa sheegay in la xiray 7 Askari oo katirsan Ciidamada Jubbaland, iyo 13 shacab ah, oo Ganacsato ay kamid yihiin, kadib markii looga shakiyay inay fududeeyeen weerarkii Al shabaab ku qaadey Beled Xaawo 11-ka bishan.

Saraakiisha magaalada qaarkood oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in dadkani ay ku xiran yihiin xabsiga Beled Xaawo, islamarkaana uu ku socdo baaritaanno la xiriira eedaha loo soo xiray.

Weerarkii Al shabaab ku qaadey Isniintii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay Askar badan, oo kamid ahaa Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa maamulka Jubbaland, halka qaarna ay ku dhaawacmeen.

Dagaalyahanada Al shabaab ayaa u suurta gashay inay mudo kooban la wareegaan gacan ku haynta Beled Xaawo, kadib markii ay Qaraxyo ku bur-buriyeen difaacyadii Ciidamada u yaalla Koontaroollada laga galo Magaalada.

Weerarka wuxuu ahaa mid u muuqday in gudaha iyo dibadda si wanaagsan looga soo abaabulay, oo ay jireen dad kala shaqeeyay Al shabaab inay fuliyeen mid kamid ah weeraradii ugu cuslaa oo lagu qaado Beledweyne, oo wax ka yar 5KM u jirta Xuduuda Kenya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo qaylo-dhaan kasoo saartey colaada Bariga Dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay xiisadda kasoo koror yay Bariga Dhexe.

  • Soomaliya

    15-04-2024

  • 05:56AM

Soomaaliya: Wasiirada dhawaan la magacaabay oo la dhaariyay

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhawaan magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada.

  • Soomaliya

    14-04-2024

  • 11:27AM