Askari ka tirsan ciidamada AMISOM oo Shabaab isu dhiibey

Image

MUQDISHU 29 June,2015 (GO)- Gudoomiyaha degmada Qansaxdheer ee gobolka Bay Aadan Cabdi Qooqane ayaa saxafada u xaqiijiyey in sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM isu dhiibey ciidamada ururka Al-shabaab ee ku sugan deeganaka Ufurow.

Aadan Cabdi Qooqane ayaa sheegey in askarigaan ka tirsanaa ciidamada AMISOM sii marey tuulada la yiraahdo Geriyow isaga oo dadka halkaas dagan waydiistey halka loo maro jidko Ufurow.

Ilaa hada lama oga sababta askarigaan ka tirsan AMISOM faraca ciidamada Ethiopia isugu dhiibey ururka Al-shabaab.

Taliska ciidamada AMISOM ayaan weli ka hadlin askarigaan la sheegy inuu u goostey dhankaas iyo maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan degaankaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM