Axmed Madoobe oo ka hadlay dagaal Al-Shabaab iyo sida looga adkaan karo

Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo kalimo ka jeediyay munaasabadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay arrimo badan oo xaaladda dalka quseeya.

Ugu horeyn, hogaamiyaha Jubbaland wuxuu ugu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed, iyo kuwa Jubbaland xuska 1-da Luulyo, isagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan Nabadda iyo xasiloonida dalka.

Mar uu soo hadal-qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa wuxuu tilmaamay in Al-Shabaab aan laga adkaan karin illaa laga helo siyaasad mideysan oo madaxda maamul goboleedyadda dalka iyo dowladda Federaalka ay isku raacsan yihiin.

Wuxuu intaas ku daray in inta laga helayo siyaasad mideysan oo lagu wajaho xoogaga Al-Shabaab aanan laga adkaan karin, islamarkaana ay sii jiri doonaan, ayna sii wadayaan weerarada ay ka fuliyaan gobolada dalka.

"Waqtigooda waa mid gabaabsi ah, balse, waa inaan la imaanaa siyaasad mideysan oo aan ku wajahno si aan u daba-jarno kuwa yar ee harsan," ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa shacabka Jubbaland si gaar ah uga codsaday inay kala shaqeeyaan maamulkiisa sidii gacantiisa loogu soo celin lahaa deegaanada ka maqan ee ku jira gacanta Al-Shabaab.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo deegaanadda maamulkaas ay ka socdaan Guluf ka dhan ah Xoogaga Al-Shabaab, kaasoo ay wadaan ciidamada xooga dalka, kuwa Daraawiista Jubbaland, AMISOM iyo kuwa Mareykan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM