Axmed Madoobe oo xog ku kordhiyey sababta DF u xirtay wasiir Janan

Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa xog dheeraad ah ku kordhiyey sababta dowladda Soomaaliya u xirtay Wasiirka Amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan.

Isagoo dadweyne kula hadlay munaasabad ka dhacday Boosaaso, Axmed Madoobe ayaa adkeeyay in qabashada Janan ay baalmarsan tahay shuruucda iyo dastuurka qabyadda ah ee waddanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wasiir Janan uu u xiran yahay "maxaad u ogolaatay in Jubaland ay doorasho ka dhacdo?".

Isagoo sii hadlaya, Axmed Madoobe ayaa intaas ku daray in sidoo kale loo beegsaday in uu Villa Soomaaliya ka diidey "abuurista rabashado".

"Ma ahan dambi uu galay waxa loo haysto kaliya waxa weye in uu ogolaaday in uu ciidamo shisheeye u yeeran waaye iyo in uu burbur ka shaqeeyo, intaas ayaa xuquuqdiisa loo haystaa," ayuu xusay.

Bishii August, 2019, wasiir Janan ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho isagoo kusii jeeday Addis Ababa, caasimadda Itoobiya, kana soo duulay magaalada Doolow..

Xukuumadda federaalka ayaa qabashadiisa u cuskatay "in uu ku lug-yeeshay dambiyo culus oo ka dhacay gobolka Gedo".

Bishii October ayuu kasoo muuqday maxkamadda gobolka Banaadir, wallow qareenadiisa loo diiday in ay la kulmaan.

Jubaland ayaa xarigiisa ku tilmaamtay "afduub iyo mid siyaasadeysan" waxayna codsatay in xorriyadiisa loo celiyo.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa si gaar ah ula dardaarmay shacabka Boosaaso oo muddooyinkii dambe dowladda federaalka Soomaaliya isku dayeysay in ay marin-habaabin ku sameyso.

"Maamulka oo lala shaqeeyo, laamaha ammaanka oo laga gacan-siiyo tir-tirka argagixisada iyo cidda guriga soo galeysa oo irida kasoo gasha," ayuu ku booriyay dadweynaha xarunta gobolka Bari.

Ugu dambeyntii, isagoo Farmaajo ku eedeeyay in uu diidey wada-hadalo uu la galo Jubaland, Axmed Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay in aysan aqbali doonin wax kasta oo dhinac marsan sharciga.

MUUQAALKA AXMED MADOOBE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM