BAARITAAN: Musuqmaasuq lagu sameeyey Mashruuc Bangiga Horumarinta Islaamka ka qabanayey Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Laamaha amaanka Soomaaliya ayaa todobaadyadii u dambeeyay qabqabtay mas'uuliyiin iyo saraakiil hoose oo kamid ah dowladda Federaalka, kuwaasoo lagu soo eedeeyay musuq-maasuq iyo xatooyadda Hanti-dawayne.

Waxaa kiiska ugu culus loo haystaa Cabdishakuur Aadan Maxamuud, kaasoo haatan ku xiran xabsi ku yaala caasimadda dalka, ee Muqdisho, kaasoo loo diiday in damiin lagu sii daayo.

Barnaamij-ka Galka Baarista ee ka baxa Idaacadda VOA-da ayaa dabagal ku sameeyay kiiska Cabdishakuur Aadan Maxamuud, wuxuuna soo bandhigay waxa uu salka ku hayo xarigiisa iyo waxa ay dowladdu ku beegsatay.

Waa kuma Cabdishakuur Aadan Maxamuud?

Cabdishakuur, ayaa ah Isku-duwaha mashruuc uu maal-gelinayo Bankiga Horumarinta Islaamka, oo ay ku baxayso Shan milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah, lacagtaasi oo la sheegay inuu musuq-maasuqey, kadibna sidaasi loo xiray.

Cabdishakuur ayaa xabsi la dhigay bishii hore, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu si qaldan u maamulay lacagta mashruuca, uuna lunsaday lacago badan, inkastoo qareenka difaacaya uu gaashaanka ku dhuftay dhamaan eedaymaha loosoo jeediyey.

Warqad uu Bankiga usoo qorey Cabdishakuur iyo Xoghayahii joogtada ahaa ee Wasiiradda Maaliyadda Axmed Dhayib Nuur, ayaa lagu sheegay in la joojiyey mashruuca, islamarkaana la xiray Akoonadii lacagaha loogu soo dirayey, oo ka furnaa Bankiga dhexe ee dowladda.

Xiliga uu Bankiga ku war-geliyay labadda mas’uul in la hakiyey dhaqdhaqaaqa akoonada, Mashruuca waxa uu marayey wajiga saddexaad, waxaana waqtigaasi uu soo diray Bankiga lacag dhan Hal milyan oo Dollar-ka Mareykanka, taasoo su’aallo badan uu ka keenay sida loo bixiyey.

Cabdul Xakin Al Waacir, waa lataliyaha Madaxwaynaha Bankiga Horumarinta Islaamka iyo Afhayeenka Bankiga wuxuu u sheegay Barnaamij-ka Galka Galka Baarista in kadib baaris madaxa banaan oo ay sameeyeen kusoo ogaadeen in dhibatada ugu wayn ay ka timid mamuulka mashruuca.

Muxuu yahay mashruuca la masuq-maasuqay?

Mashruuca horumarinta dhulka Oomanaha ah [Dry land development project] oo uu maal-gelinayo Bankiga Horumarinta Islaamka oo fadhigiisu yahay wadanka Sacuudiga gaara ahaan Magaaladda Jeddah waxaa laga hir-gelinayey tuulooyinka; Faxfaxdhuun oo gobolka Gedo ka tirsan, Bacaad-wayn oo Mudug ah Durduracad oo Baki ah.

Hiigsiga laga leeyahay mashruucaan ayaa lagu sheegay dhisidda iyo Horumarinta Adeegyada waxbrasho, caafimaad iyo Dadka reer Guuraaga ah laga taageero dhinaca xoolaha, waxaana dalalka kale ee uu ka socdo kamid ah Uganda iyo Jabuuti, kuwaasoo ka tirsan Qaaradda Afrika.

Waxaa la saxiixay 1-da bisha June 2014, waxaana qalinka ku jiiday Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane iyo ku xigeenka Madaxwaynaha Bankiga Horumarinta Islaamka Biraam Abuubakar, waxaase mashruuca fulintiisu bilaabatay October 2016. Waqtigaasi waxaa Wasaaradda Maaliyadda madax ka ahaa Maxamed Aadan Fargeeti.

Imisa lacag ayaa lasoo diray tan iyo bilaabashadda mashruuca?

18-kii bishii Febraayo 2017 ayaa lasoo diray qaybta koowaad ee lacagta mashruuca lagu maalgelinayo, waxayna gaareysay Nus-malyuun lacag xili lasoo dhigay Akoon gaar ah oo laga sameeyay Bankiga dhex ee dowladda, waana Tobban maalmood kadib doorashadda Madaxwayne Farmaajo.

Qaybta labaad ee lacagta waxaa Akoonka labaad looga furay Bankiga dhexe ee Soomaaliya xili lagu soo shubay 22-ka October ee isla sanadkaas waxayna dhameed lacagta 447-kun oo Dollar.

Taariikh kale oo ka dambeysay, waxaa soo dhacday qaybta saddexaad ee mashruuca loogu talagalay taasoo lagu soo shubay Akoon kale oo laga furay isla Bankiga, waxayna gaareysay cadada lacagtaasi 500-kun oo Dollar. Wadar ahaan lacagta soo dhacday saddexda jeer waxay ku dhowdahay Hal milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah.

Banaamij-ka Galka Baarista ayaa ogaadey in 500-kun dollar, oo kamid ah ku dhawaad Halka milyan ee dollar ee ugu horeysay ee loosoo diray mashruuca waxaa lagu bixiyey wax lagu sheegay mushaharka shaqaalaha, halka Sagaal kun oo kamid ah lagu bixiyey Iibka qalab xafiiseed.

Tani waxay ka dhigan tahay in lacagta soo hartay ay noqoneyso 400-kun oo dollar taasoo gaartay dadkii ubaahnaa, inkasta oo taasi qudheeda aanan loo haynin caddeyn rasmi ah, sida laga soo xigtay Baarayaasha. Shaqaalaha mashruuca u diiwaan gashan kuwasoo ah Sagaal qofood.

Afhayeenka Bankiga Horumarinta Islaamka ee Cabdul Xakin Al Waacir ayaa shaaca ka qaaday in dhamaan qaabka loo bixiyey lacagta iyo halka lagu qarash-gareeyay ay kusoo ogaadeen baaritaan ay sameeyeen inkastoo aanan loo haynin caddeymo rasmi ah iyo Dikumiintiyo muujinaya.

Isku-duwaha mashruuca, Cabdishakuur Aadan Maxamuud oo ah shaqsiga haatan u xiran mashruucaan isdabamarinta la sheegay in lagu sameeyay ma haysto qandaraas rasmi ah oo uu kula shaqeeyo mashruuca, waxaana uu ku xulasho iyo codsi uu gudbistay oo laga ogolaaday.

Cabdishakuur waxyabaaha kale ee lagu soo eedeeyay waxaa kamid ah inuu isaga lacago cadaan ah iyo kuwa uu Jeeg ku qaatay ka bixiyey, inaanu fahfaahin ka bixin horumar uu sheegay inuu mashruuca sameeyay iyo Qalab loo iibiyey mashruuca halka ay ku baxeen.

Doorka xeer-illaalinta Soomaaliya

Jamaal Maxamuud Maxamed, waa ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha Soomaaliya wuxuu sheegay inay abaabulayaan dacwad ay kusoo oogaan Isku-duwaha mashruuca, Cabdishakuur, isaga oo carabka ku dhuftay in waqti xaadirkaan aysan gacanta ku haynin caddeymo dheeri ah oo ku filan.

“Marka aan gal-dambiyeed fureyn kuma furno wax qof uu iska sheegay. Marka dacwad lasoo oogayo, waxaa loo baahan inaad haysato caddeymo kugu filan oo marka qofka lasoo taago maxkamad aad ku caddeyn karto, sidaas darteeda, waxaan haatan ubaahan nahay caddeymo badan,” ayuu yiri.

Qareenka difaacaya eedaysanaha Abukaate Cali Xalane wuxuu gabi ahaanba garbka ku  dhuftay eedaha loo haysto Kalyentigiisa, isaga oo su’aal geliyay hadii marka hore loo ogolaadey inuu isaga noqdo qofka kaliya ee mashruuca lacagta u bixiya iyo in qandaraas la’aan uu maamulo.

“Wasaaradda maaliyada iyadda ayaa u ogolaatay Cabdishakuur inuu maamule ka noqdo mashruuca, mana aysan soo eedayn. Marka, ma ogaan karno hadii loo ogolaaday inuu kaligiisa lacagta soo qaado ama uu qandaraas la’aan uu shaqeeyo. Inkasta oo sharciga uusan taasi qabin,” ayuu xusay.

Isku-duwaha mashruuca, Cabdishakuur Aadan Maxamuud ayaa la sheegay inuu mushaar ahaan u qaadanayey bil walba 6-kun oo Dollar, sida laga soo xigtay Barnaamij-ka mashruucaan la musuq-maasuqay baaritaanka ku sameeyay.

Siduu Bankiga u arkaa xariga Cabdishakuur?

Cabdul Xakin Al Waacir, oo ah lataliyaha Madaxwaynaha Bankiga Horumarinta Islaamka iyo Afhayeenka Bankiga ayaa tilmaamay xariga Isku-duwaha mid aysan iyagu dalban islamrkaana cadeymaha loo baahan yahay ee  mashruucaan waxba ka tareyn, balse waxaa uu u arkaa talaabo horey loo qaadey dadaalada la wado. 

Mar la waydiiyay hadii mashruuca uusan dib dambe ubilaaban doonin iyo in kale ayuu xusay inuu sii jiri doono, laakiin ay muhiim tahay in la sameeyo isbedal waa wayn, isaga oo carabka ku dhuftay inay dowladda Soomaaliya hor-dhigeen shuruudo ay kamid tahay in ka bedalo Isku-duwaha mashruuca.

Shaqsiga lagu bedalo Isku-dhuwaha ayuu sheegay inay shuruud uga dhigeen dowladda inay muhiim inuu tartan soo maro, lana xayeysiiyo iyo inay tababar ku saabsan maamulka ufuraan dhamaan shaqaalaha 19-ka ah ee mashruuca la sheegay inay ushaqayso.

“Mashruucu wuu sii socon doonaa. Ma ahan in dhibaato maaliyadeed loo baabiyo faa’idda Soomaaliya oo dhan. Xariga ama mashruuca – xariga waa talaabo horey loo qaaday oo shuruudaha soo dhawayn karta, laakiin waa in la xaliyaan arrimaha kale oo lagu qaban karo Labo bilood, hadii si fiican loo abaaro,” ayuu xusay.

Soomaaliya ayaa qayb ka ah liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, waxaana Cabdul Xakin Al Waacir uu aaminsan yahay in hadii dowladda Soomaaliya aysan si fiican ula tacaalin mashruucaan uu saamayn xun ku yeelan karo, ayna ka aaminaad bixi karaa hay’addaha caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM