​Baarlamaanka Somalia oo diiday in dib loogu laabto doorashada Kuraastii la laaley

Image

MUQDISHU, Somalia- Baarlamaanka dowladda Federaalka Somalia ayaa diiday amarkii kasoo baxay Maxkamadda sare bishii May ee ahaa in dib loogu laabto Sideed kursi, oo uu laaley Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashadii Dadbanayd ee lagusoo xulay golaha shacabka.

Kulan uu shir Guddoomiyay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay soo xaadireen 184 Xildhibaan ayaa cod gacantaag ah loo qaaday sida laga yeelayo Go’aanka Maxkamadda.

180 Mudane ayaa diidmo galiyay go’aanka Maxkmadda waxayna sheegeen inaan lagu noqon karin doorashada Xildhibaanada muranku ku jiray.

Kulanka inta uu socday, Xildhibaanada ayaa waxba kama jiraan ka dhigay Amarka Maxkamada sare, waxayna isku raaceen in si sharci ah lagu soo doortey xildhibaanada, dibna aan loogu laaban doonin.

Afar Mudane oo kaliya ayaa ka aamusay codka loo qaaday Xildhibaanadii la laaley doorashadooda.

Magacyada sideeda Xildhibaan ee lagu muransan yahay kuraastooda:-

1 - Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir

2 - Maxamed Saciid Cabdullahi

3 - Maxamed Axmed Abdtidoon

4 - Nadiif Aadan Isaaq

5 - Muna Khalif Sheekh Abu [Muna Kay]

6 - Cabdicasiis Saalax Carmaan

7 - Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale

8 - Samra Ibrahim Cumar

Maxkamada waxay sheegtay in sideedan kursi qaabka musuq-maasuq ah lagu soo doortey, loona baahan yahay in markale loo tartmo, si loo qanciyo musharaxiintii hore ee dacwada soo gudbiyay.

Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa baabi'iyay 11 kuris markii hore, balse Hogaamiyaasha Madashii Qaranka, ayaa diiday oo isku raacay in 3 Kursi lagu laabtey, kuwaasi oo dib loo doortey.

Dhanka kale, Baarlamaanka ayaa meel mariyay maanta sharciga dib u doorashada Kuraasta banaanaata, kaasi oo dhigaya in loo maro wadadii hore ee ahayd in 51 ergo soo doorato Xildhibaanka.

Waxay sidoo kale Xildhibaanada warbixin ka dhageysteen Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, iyagoo ugu dambeyntiina u yeeray Wasiirka cadaaladda oo la filayo inuu yimaado gollasha shacabka kulamada xiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM